Inkastoo Xitaa sheekooyinka Xanuunka leh ay ku soo dhamaadaan Dhamaad farxad leh, hase yeeshe inta la ogyahay Maxamed siyaad Barre waxa uu ahaa Madaxweynihii ugu waxqabadka badnaa, islamrkaana waxaa uu ahaa Madaxweynihii ugu burburin badnaa !
Xaqiiqonews-Wararka
Sawirrada kore waxa ay ka sheekeynayaan Dal ay musiibo ku dhacday kaasi oo nasiib u helay mid ka mid ah hogaamiyaashii ugu xumaa dunida,masuqmaasuq, daneysi iyo Fahan liita oo ku saabsan dunida.
Ma fahmi karo sababta dad badan oo halkan joogo(aqristayaasha) ay u diidayaan in runta laga hadlo, malaha waxa laga yaabaa in ay tahay qabyaalad, dan gaar ah ama in niyaddoodu ay u sheegeyso in arimahan oo laga sheegeeyaa ay tahay Ceebeyn ka baxsan Wax isku sheeg.
“Maxaa Soomaaliya u diiday Hor’umarka” waa su,aal mucjiso ah, una baahan xog ka badan sadarro goobon oo lagu qoro website, balse ii ogolow in aan halkan kula wadaago qodobo dhowr oo aan dhaafsiineyn wixii aan soo aqriyey in khibradeyda.
-In lagu farxo Macdanta
waa in aan joojinaa in aan xoogga saarno kheyraadka dabiicigga ah, waana in loo soo jeestaa in la kobciyo garaadka iyo aqoonta dadka, maxaa yeelay dadka ayaa soo saara macdanta.
Maxaa yeelay Macdanta waa kaliya jab jab dhagxaan ah hadiise aan la helin dad khibrad leh kuma fadhiyaan wax micno ah, tusaale Soomaaliya waligeed waxaa ka buuxay macdan, Maxey macdantu ka qabatay abaartii Jimca baasta, abaartii daba dheer ama tii cagag barar? jawaabtu waa WAXNE ! ,Dunida maanta waxaa hogaamiya waa kheyraad dadka.
Tiro Yari !
Haa Soomaaliya Waa dal si aad ah u kordhaaya, Marka la fiiriyo tirokoobkii QM ee sanadkii 2018 Soomaaliya waxa ay gaartay 16,000000(lix iyo tobon milyan) nasiib darrase tiradaasi ma ahan mid ku filan !
Hadii aad adiga wanaag u aragto Dal weyn iyo dad tiro yar, dunida ayaad ka dambeysaa labo qarni, ogow tirada yar ee shacabkeena ma ahan hanti dalka leeyahay waa deyn dalka lagu leeyahay.
Rabitaan La,aan
Gacan kuma heyno Hogaamiyaal rabitaankooda yahay in ay dunida kale maamulaan, sidoo kale bulshada wax niyad uma haayaan in ay ka saramaraan dadka kale, isku soo duuduub dhamaan shacab iyo madax Soomaalida rabitaankooda waxa uu ka hooseeya EBER si ay u maamulaan dunida kale.
Hogaamiyaasha Soomaalida waa oday dhaqmeedyo xil loogu dhiibay waddan dhan, waxa ayna doonayaan in farxadgeliyaan dadkii tuulladooda oo kaliya taasi oo ay u dheertahay in ay yihiin kuwa u adeegga galbeedka balse muhiim looguma arko galbeedka dhaxdiisa.
Ma maqashay waligaa Madaxweyne Mareykan oo caafimaad u aaday Ruushka,? Ma is leedahay Putin ayaa caafimaad u doonanaya Shiinaha.
Waa arin Xanuun ah marka hogaamiyaasha Soomaalida ay sharafta u arkaan in ay taageero ama gacan ay ka helaan waddan awood leh.