Su’aasha kore waa mid fudud, hase yeeshee marka aad si hoose u sii dharaandhariso ma ahan “mid sidaa u fudud”, si kasta ii ogolow in aan kula wadaago sawirka maskaxdeyda ku jira.
Xaqiiqonews-
Waxaan jeclaan lahaa in aan ku noolaado soomaali:
- Guryaha ay ka sameysanyihiin burbur jalaato ah
- Shukulaatadana ay ka baxdo geed walbo
- Canbaha uu yahay basali halkan qarahana uu yahay jaalle
- Tufaaxa uu yahay sun lagu dhimanaayo
- Cuntada ay cirka ka soo dhaceysa iyadoo bisil
- Kalluunkana uu ku noolyahay dhulka
- Yaxaaskana uu yahay buundo loogu gudbo wabiyada
- Libaaxuna uu yahay dab joog ka yar bisadaha
- Farmaajo iyo Cali dheerana ay yihiin saaxibo isku dhinta
- Masaskuna ay leeyihiin lugo, gacmo iyo Dhago
- Jiirkuna uu hurdaayo habeenadi
Taasi Waa Soomaaliyada Maskaxdeeda ku jirta, ma ku soo biireysaa Soomaaliyadeyda?
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA