Soomaaliya Oo Dhax Gashay Sheekada Weerarka Maraakiibta!

La Wadaag Asxaabtaada

Sida ay qortay Wakaaladda Reuters burcad ayaa weerar ku qaatay Markab laga leeyahay Biritan, markabkaasi oo maraayey meel 100 mile badeed (185km) kaga beegan dhanka waqooyi bari ee Muqdisho.


XAQIIQO NEWS- WARARKA

Hay’adda badda u qaabilsan Biritan ayaa maalinka jimcada 13 Agoosto iclaamisay in markab ay Biritan leedahay uu la kulmay weerar , hase ahaatee waxa ay sheegeen in ay badqabaan shaqaalaha iyo markabkiiba.

Warka hay’adda ayaa lagu xusay in weerarka ka dhacay xeebaha Soomaaliya meel 185km dhanka waqooyi bari kaga beegan caasimadda Muqdisho, balse ma aysan sii bixinin faafaahin dheeri ah.

Sidoo Kale Aqri: Waa Tan Xogta Dowlad Dayax Gacmeed Ka Direysa Soomaaliya

Iiraan iyo Israa’iil ayaa dhowr mar siyaabo kala duwan midba uu weerar ugu qaaday markabka dowladda kale, arintaasi oo saxaafadda qaar ay ugu yeereen “dagaalka Maraakiibta”.

Dhawaan Markab laga leeyahay Israa’iil oo weerar lagu qaaday meel u dhaw Cumaan ayaa waxaa ku dhintay 2 shaqaale oo mid Biritan u dhashay halka kan kalane uu Romaaniya u dhashay, arintaasi oo sababtay in uu xumaaday xiriirkii Biritan iyo Iiraan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada