Soomaaliya Oo Dhinacan Kaga Horumartay Afrikada Kale

-

Somaaliya ayaa noqotay waddanka koowaad ee Afrika ah, kaasi oo leh Internetka ugu raqiisan, taasi oo Soomaaliya siineysa asaas fiican oo waddanka uu ugu guuri karo “Dunida Dijitiaalka”.


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Webseetka Bussiness daily Africa, ayaa Soomaaliya ku tilmaamay wadan “dagaalo ragaadiyeen”, hase yeeshee maanta noqday hormuudka wadamada ugu badan ee aduunka, isaga oo noqday waddanka koowaad ee Afrika iyo kan 7 aad ee dunida ugu raqiisan xagga Dhaatada Internetka.

Cabdi Casiis Duwane Isaakh oo ah agaasimaha wasaaradda boostada iyo isgaarsiinta Soomaaliya, ayaa raqiisanaanta xagga internetka ku sifeeyey “mid hagaajinaya waddanka gaar ahaan dhinaca isgaarsiinta”.

Sidoo Kale Aqri..Soomaaliya Oo Heleysa Internet Seddex Jibaar Ka Xawaara Badan Kan Hadda..Sidee?

Duwane ayaa Bussiness Daily Africa u sheegay in mid ka mid ah siraha ay Soomaaliya ku gaartay guusha in ay tahay “canshuurta oo yar”, arintaasi oo abuurtay maalgelin badan oo dhinaca isgaarsiinta ah iyo tartanka xorta ah ee suuqa.

Kenya Ayaa Aheyd Balse Hadda Soomaaliya Ayaa Ah

Kenya hadii beri lagu sheegi jiray wadanka xagga internetka iyo isgaarsiinta ugu fiican Afrika looguna naaneysi jiray “Silicon Savannah’  waxa ay hadda ku soo aruurtay kaalinta 9aad ee Afrika iyo kaalinta 44 aad ee dunida oo dhan, iyada oo ka daba martay wadamada dariskeeda ah ee Soomaaliya iyo Tanzania.

Aduunka oo dhan waxaa kaalinta koowaad ugu jira Hindiya, Israa’iil ayaa ku xigta halka Soomaaliyana lagu sheegay waddanka koowaad ee hogaaminaya Afrika iyo dunida carabta.

Wararka U Dambeeyey

Calaamado Soo Muuqan Kara Bil Ka Hor Wadno Xanuunka

Dr. Satir Zhijian, oo ah dhaqtar wadanaha ayaa tilmaamay in calool xanuunka iyo dhabar xanuunka ay noqon karaan calaamado...

Xarun Sayniska Iyo Tiknoolajiyadda U Gaar Ah Oo Muqdisho Lagu Dhagax Dhigay

Jaamacadda SIMAD oo caan ku aheyd aqoonta ganacsiga iyo xisaabaadka ayaa dhawaan daah furtay xarun cusub oo u gaar...

Xog..Jabuuti Oo Soo Bandhigtay Darooniska Bayrakhtaar TB2

Bandhig milatari oo Jabuuti ugu dabaal dageysay sanad guurradii 45aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen...

Nin Xaaskiiska U Dilay Maxaad Gabar Uurka Ugu Sidaa !

Arin argagax leh ayaa laga soo sheegay Masar, nin inta xaaskiisa dilay ka dibna meydkeeda gubay kuna aasay meel...

Xasan Iyo Xamze: Maxay Qaban Karaan Maxaase Dhici Karin?

WARKA: Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta codka kalsoonida siiyey si aqlabiyad buuxda ah RW cusub Xamza Cabdi Barre, haddaba su'aasha...

Jeesow Oo Sheegay In Qabiil Noqon Doonta Hadii La Isku Tuurtuura Dilka Ikraan Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si carro leh uga hadlay arinta Ikraan Tahliil, waxaa uuna ku celiyey in Ikraan...