Soomaaliya Oo Dib U Heshay Baadidii Luntay Ee “Somali Airline”

La Wadaag Asxaabtaada

30 sano ka dib, Somaaliya ayaa ku socota in ay dib u howlgaliso shirkadda “Somali airline”, Dowladda ayaana dardargelineysa sidii ay ku bilaabi laheyd howshan, sida lagu baahiyey Warbaahinta Dowladda.

Xaqiiqonews.com-Wararka Gudaha

“Allow Guulaha Noo kordhi” ayuu lagu yiri  warbixin si gaaban loogu faafaahiyey mashruucan cusub, waxaana todobaadyada soo socda la filayaa in ay howlgasho, ayaa lagu yiri isla warbixinta.

OM-SDA  Samir boeing 737, waa nooca diyaaradda cusub ee ay soo iibsatay shirkadda Somali Airline, nooca diyaaraddan oo ah farsamada  shirkadda diyaaradaha Boeing ee Mareykanka, ayaa ah diyaarad si aad ah loogu isticmaalayey duulimaadyada 60-kii sano ee u dambeysay.

Dib u soo nooleynta shirkadda duulimaadyada ee “Somali Airline” , Waxa ay Maamulka fadhiidka ah ee Mudane Farmaajo uga dhigan tahay “Wax Weyn”, waana il dhaqaale oo muhiim u ah Df-ga.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada