Soomaaliya Oo Heleysa Internet Seddex Jibaar ka xawaare Badan kan hadda..Sidee?

-

Mashruucani waxaa fulinaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC, Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Mashruuca xarigga internet-ka ee 2Africa Cable, ayaa la filayaa in uu noqdo xarigga uga dheer ee dunida, kaasi oo isku xiri doona Yurub, Bariga Dhexe iyo 16 dalka oo Afrika ah,

Mashruucani waxaa fulinaya shirkadaha China Mobile International, Facebook, MTN GlobalConnect, Orange, STC, Telecom Egypt, Vodafone iyo WIOCC. Shirkadda Dalkom Somalia ayaa ka mid ah saamileyda WIOCC, isla markaana wakiil uga ah dalka.

Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Teknolojiyada, Inj. Cabdi Cashuur Xasan, ayaa soo dhoweeyay mashruuca xarigga internetka 2Africa, isagoo shirkadda Dalkom Somalia uga mahadceliyey kaalinta ay ku leedahay mashruuca, sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee Sonna.

“Waxaan aaminsannahay in mar kasta oo uu kordho xawaaraha internetka in ay la kordhi doonaan dhaqaalaha iyo adeegyada ku dhisan internetka” ayuu yiri wasiirku, oo intaasi raaciyey ” Adduunka maanta waxaa lagu kala horumari doonaa hadba sida uu dal kasta u adeegsado teknolojiyada, waxa kobaca teknolojiyada aasaas u ahna waa internet xawaare sare leh,”

Warbixin dhowaan ay soo saartay Shabakadda Cable, ee fadhigeedu yahay Uk, ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ku jirto kaalinta 7aad ee adduunka, iyo kaalinta 1aad ee Qaaradda Africa dhinaca celcelis ahaan qiimaha ugu jaban ee 1GB ee internetka taleefoonka gacanta. Hase yeeshee, waxay fursad ballaaran ka bannaan tahay sidii loo horumarin lahaa internetka lagu bixiyo xargaha ee lagu isticmaalo guryaha iyo xafiisyada.

Wasiirka oo arrintaas ka hadlayay ayaa ugu baaqay shirkadaha Soomaaliyeed inay markan u soo jeestaan sidii ay u maalgashan lahaayeen dhismaha xargaha internetka dhulka ee isku xira magaalooyinka (terrestrial fiber network), isagoo tilmaamay in ay ka dowlad ahaan ay arintaasi kala shaqeyn doonaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!

Wararka U Dambeeyey

Imisa Qof Oo Soomaali Ah Ayaa Hub Heysta?

Hubka saxda ee gacanta uga jira muwaadiniinta Soomaaliya waa mid aan la aqoon, hase ahaate warbixin lagu qoray webseetka...

Internetka Aduunka Oo Halis Ugu Jira In Uu Joogsado Sababtan Darteed

Saynisyahanada ayaa ka digaya cillad guud oo ku timaado internetka aduunka iyaga oo sababtuna ku qeexaya nidaamka cadceedda oo...

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...