Soomaaliya Oo Iska Diiday Carab Iyo Afrika Kuna Biirtay Wadamada Horumaray !

La Wadaag Asxaabtaada

Horay ma uga mid aheyd aqristayaasha Xaqiiqonews, hadii jawaabatada HAA tahay wan hubaa in aad soo aqrisatay warbixintan Diyaarad drone ah oo somalia Lagu sameeyey tii ugu horeeysay(First somalian homemade drone),  ama waa suuragal in aad furtay ciwaankan Daawo Muuqaal Drone Somaliya lagu sameeyey oo biibeysa, markale aqriso sadarada hoose.

Xaqiiqonews.com-Farsamada.

Waxan u sameynay qaab shaqo badan lagu qabsan karo, waana ku faraxsanahay in uu noqdo matoorkii ugu horeeyey oo “soomaali ah” “ ayuu yiri Cabdiraxmaan oo ka mid aha koox dhalinyarro soomaali ah oo  jecel injineeriyadda kuwaasi  oo  xilliyada firaaqada caada ka dhigtay in ay Naqshadeeyaan, Sameeyaan, Horumariyaan aaladaha casriga gaar aahan qalabka ku shaqeeya Korontada.

“Ma ahan waxa aan kaalma kaga raadsano Hey,ad ama Dowlad toona, waxaana shaqadan aan ka maalgelinaa lacagaha jeebkeena , kaliyana waxaa nagu filan in aan jecelnahay shaqadan”  ayuu sii raaciyey Cabrixaman.

Wixii aan indhaheyga ku  arkay waxa ay aheyd shaqo qurux badan oo ay gacanta kula jiraan koox dhalinyarro ah oo qalbiya qurxoon, kamana sii hordhacaya waxyaabo badan oo ay dhalinyaradan howl ku wadaan,  hase ahaate maxaad ka ogtahay Matoorkani Casriga ah ee soo bandhigistiisa ay ka harsanyihiin bilo kooban?

Waa matoor loo sameeyey qaab shaqo badan lagu qaban karo,  wuxuuna noqday matoor soomaliya lagu sameeyey min bilow ilaa dhamaad, inkastoo soo bandhistiisa aan la sugeyno waqtigii ay u qorsheeyeen kooxda, balse in aan warkani idinla sii wadaago waxa ay ka dhigan tahay “Bishaaro”,.

Soo qaado buugaada xasuus qorka, qaado neef dheer, kuna qor buugaada erayadan “Soomaaliya waa ay horumartay”, iina xaqiiji in aad naga soo warjiriso bilaha soo aadan, si aan u markhaatiyeeyno sheekadani quruxda badan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada