Soomaaliya Oo La Barartay Shidaal !

-

Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay halka uu marayo iibi geynta xirmooyinka Shidaalka ee Soomaaliya.

Wasiirka Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay inaysan dowladda Soomaaliya weli helin shirkado ka ogolaada in ay qaataan xirmooyinka shidaalka ee la hubiyey in dalka leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay inaysan weli wax shirkad ah helin balse ay weli wasaaradda iyo dowladda ay wadaan halgan ku aadan sidii loo suuq geyn lahaa Xirmooyinka shidaalka ee laga helay Soomaaliya.

Wuxuu sheegay wasiirka inay suuq u raadinayaan 50 Milyan oo Fuusto Saliid ah oo la ogaaday inuu dalka Soomaaliya heysto isla markaasna ay socoto ololaah suuq geynta.

Sidoo kale Aqriso: soomaaliya-maxey-wili-u-hormari-ladahay?

Qeyb kamid ah fuustooyinkaasi ayaa waxay ku jiraan dhanka ay muranka gelisay Kenya taasi oo dacwadeeda ay haatan hortaalo Maxkamada Cadaalada Aduunka. Balse “annga ayaase leh,” ayuu wasiirku yiri.

“Maya,” ayuu mar kale ku jawaabay markii la waydiiyey hadii ay dowladda heshay shirkado qaata xirmooyinkaasi. Isaga raaciyey “Waxaan rajeynayaa in aan heli doono, maadaama ay heshiisyo cusub gelnay”.

Wasiirka ayaa xusay inay jiraan shirkado ay Dowladda Soomaaliya habi fiican ka qabto inay iibsadaan xirmooyinka shidaalka, wuxuuna sheegay inay kamid yihiin Shell iyo Exxon Mobil kuwaasi qeyb kamida xirmooyinka ay siisey dowladii kacaanka.

Wasiirka ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo waqtiga ay qaadan karto in shirkadahaan iyo kuwa kale lagu qanciyo inay iibsadaan xirmooyinka Shidaalka Soomaaliya ee lagu soo bandhiogay Shirkii ka dhacay Magaalada London Bishii February

Wararka U Dambeeyey

Mooska Miyuu Noqon Karaa Halis Caafimaad!

Labo saynisyahan oo ka tirsan jaamacadda Beihang University Jian Saotian iyo Liao Jie,ayaa shaaca ka qaaday halis caafimaad oo...

Dagaalkii Qoriga Ee Farmaajo Iyo Mucaaradka Miyuu Soo Dhowyahay?

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA:Todobaadkan Midowga Musharixiinta ayaa soo saaray digniin ku aadan habsami u socodka doorashada oo ay...

NASA Oo Dooneysa In Ay Kowkab Qarxiso..Dhagaxii Qiyaamaha Miyaa Soo Dhow?

NASA ayaa isku diyaarineysa in ay markab-xiddigeed si kas ah ugu dhufato kowkab, si tababar ahaan ah, iyada oo...

Ma Wanaagsantahay In Aad Mar Walbo Ahaato Qof Wanaagsan?

Dadka badankood waa ay ku jeclaan doonaan marka aad tahay "qof wanaagsan" laakiin xisaabta ku darsa mararka qaar in...

Mahadnaq..Dulmiga Ikraan Tahliil !

Ka dib muddo dhan 5 bilood oo kiiska Ikraan Tahliil uu soo taagnaa, sidee u aragtaa aqriste in aan...

Faafaahin..Wariye Cabdi Casiis Afrika Oo U Geeriyooday Dhaawac

Wariyaha caanka ah Cabdi Casiis Afrika oo sidoo kale ahaa agaasimaha raadiyaha afka dowladda ku hadla ee "radio Muqdisho"...