Soomaaliya Oo Martigelineysa Qaxooti Afghaaniyiin ah?

La Wadaag Asxaabtaada

Warbaahinta ayaa aad u hadal haaya wararka sheegaya in Mareykanka uu Somaliland kala hadlay martigelinta qaxooti afghaaniyiin ah, iyadoo mas’uuliyiin u hadlay Somaliland ay sheegeen in ay diyaar u yihiin martigelinta.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Xogo ay baahiyen warbaahinta qaar ayaa tilmaamaya suurtagalnimada in Somaliland ay Mareykanka la gasho hishiis ku saabsan marteglinta qaxootiga rer Afghanistaan.

Mareykanka ayaa dowladda Yugaandha horay uga dalbaday martigelinta qaxooti 2,000 oo reer Afghaani ah, balse ma jirto ila hadda wax qaxooti oo halkaasi ka dagay.

Hay’adaha QM ayaa horay uga digay qarash la’aan iyo cunta yari ay la kulmaan qaxootiga ku sugan bariga Afrika, lamana og sida arintani ay u saameyn karto xaaladda taagan.

Somaliland oo dunida caalamka wili u aqoonsantahay qeyb ka mid ah Somaaliya waxa ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991 oo aheyd markii uu qarxay dagaalkii sokeeyey.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
1
La Wadaag Asxaabtaada