Soomaaliya Oo Ramadaankan Hal Arin NasiibU Heshay

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladaha aduunka ayaa ku kala duwan saacadaha la soomaya taasi oo ku xiran kala duwanaashaha watiyada qorax soo baxa iyo qorax dhaca

Xaqiiqonews-Wararka

Website-ka “Rotana” ee Sacuudiga laga leeyahay ayaa sheegay in dowladda Jazaa’ir ay noqon doonto dowladda carbeed ee laga soomi doono saacadaha u badan, taasi oo ah in ay soomi doonaan celcelis ahaan 16 saacadood.

Sida Xaqiiqonews ay soo tarjuntay Soomaaliya ayaa noqon doonto dowladda carbeed ee waqtiga uga yar laga soomi doono, waxaana celcelis ahaan soomaaliya laga soomi doonaa 13 saacadood.

Imaaraatka, Kuweyt iyo Cumaan ayaa laga soomi doonaa 14 saacadood, dhanka kale wadamadii Shaam la isku oran jiray oo kala ah Falastiin, Suuriya iyo Lubnaan ayaa laga soomi doonaa 15 saacadood.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada