Soomaaliyaa Waa Dal aan Dowlad Laheyn !

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynaha Ugandha  Yowei Musaveni  oo ciidamo badan ay ka joogaan Soomaaliya ayaa dalka soomaaliya ku tilmaamay dal aan dowlad Laheyn.

Xaqiiqonews-Wararka Gudaha.

Muuqaal lagu faafiyey Facebook ayaa waxaa ka soo muuqanaya  Yowei Musaveni  oo  sharxaya macnaha erayga ingiriisiga ah ee “Nation”.

Sida uu qoray Website-ka Hadalsame Media oo isla muuqaalkan ku baahiyey boggiisa uu ku leeyahay Facebooga  Yowei Musaveni  ayaa erayga “Nation” ku sheegay mid asal ahaan ka soo jeeda eray laatiin ah oo la micne ah “Nativity” oo micnaheedu tahay u dhalasho ama ka dhalasho.

Musaveni  oo sii wata hadalkiisa ayaa yiri “Waxaan idiin hayaa tusaale fiican oo ah dal ama umad aan laheyn dowlad waana dalka Soomaaliya”

Yowei Musaveni ayaa sii daba dhigay “waxaan haayaa dalal badan oo dowlad aan laheyn balse waan ka gaabsaday arimo siyaasadeed awgeed”

''Somalia waa dal bilaa DOWLAD ah!'' – Museveni

''Somalia waa dal bilaa DOWLAD ah!'' – Museveni

Gepostet von Hadalsame Media am Montag, 28. Januar 2019

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada