Su’aal Iyo Jawaab..Muddo Kordhintii Ay Baarlamaanka Ansixiyeen

La Wadaag Asxaabtaada

Markii ugu horeysay taariikhda Soomaaliya, golaha shacabka ayaa u codeeyey in muddo labo sano gudahood dalka ay Soomaaliya laga qabto doorasho qof iyo cod, taasi oo aan dhicin tan iyo markii la asaasay nidaamka dowliga ee Soomaaliya.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Sax Ma Tahay In Muddo Kordhin Sameeyaan Baarlamaanka?

Sida ay ku doodeen golaha baarlamaanka go’aankan ayaa yimid ka dib markii uu burburay heshiiski 17 Sep, waxa ayna tallaabadani ku sharxeen “dib ugu celinta awoodda gacmaha shacabka”.

Inkastoo dood xoog lihi ay ka dhalatay tallaabadan, islamarkaana go’aankani ay ka biyo diideen musharixiinta mucaaradka, iyo waxa loogu yeero “beesha caalamka”, haddana waxaa jirta taageero shacab oo go’aankani uu kala kulmay dadka caadiga ah.

Sidoo kale Aqri: Doorashada 2021..5-ta Su’aal Ee Ugu Muhiimsan Iyo Jawaabaha

Hase ahaate su’aasha ah “ma ahaa mid saxan? waa dood wili albaabkeeda furan yahay.

Su’aal: Maxaa Dhici Kara Go’aakan Ka dib?

Jawaab: Go’aankan oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen baarlamaanka ayaa taxadiga ugu adag kala kulmaya mucaaradka iyo “beesha caalamka”.gaar ahaan Mareykanka iyo midowga Yurub oo iyaga aad ugu soo horjeeda maamulka Farmaajo.

Run ayey noqon kartaa in Mareykanka iyo Midowga yurub aysan aqoonsan “muddo kordhinta”, hase ahaatee waxaa jira xogo sheegaayo in muddo kordhintani ay taageersanyihiin Shiinaha iyo Turkiga, Qadar iyo Itoobiya.

Safaaradda Shiinaha oo iyada dhawaan soo bandhigatay go’aankeeda ku saabsan doorashooyinka ayaa dalbatay in la ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya.

Marka la fiiriyo doodda muddo kordhinta iyo aragtiyada kala duwan ee Mareykanka iyo Shiinaha waxa ay calamaad su’aal weyn dul saareysaa sida wax noqon karaan mustaqbalka.

Xogo hoose oo aysan Xaqiiqonews xaqiijin karin, waxa ay tilmaamayaan in go’aanka baarlamaanka uu taageero ka heysto Turkiga, Qadar Itoobiya, Erteriya iyo Masar oo iyaga Df-ka siinaya dhiiranaan ay ku wajahi karto aragtida ka soo horjeeda ee Mareykan iyo reer Yurub.

Masar iyo Soomaaliya oo xiriirkooda aad xumaa sanadihii ugu dambeeyey ayaa hadda u u muuqda mid soo hagaagaya, wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo ay u dhaxda haweeney masaari ah ayaa isaga dhaxda u xirtay sidii Masar ay qeyb ugu qaadan laheyd taageeradda Df-ka, halka Masar la siinaayo mashaaric shidaal baaris ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada