Su’aashan Is Weydii..Si Aad U Hesho Wixii aad Rabto

La Wadaag Asxaabtaada

Markii ay bilaabatay noolasha, waxaa dhanka kale bilowday is weydiinta su’aashan oo aqoonyahanada qaar ay ku tilmaameen “Su’aasha abadiga”. ah


Xaqiiqonews-Horumarintaa-Nafta

Waxaa dhici karta in aad horay u maqashay, ama aad i weydiisay, waxaanse ku leeyahay waa su’aal mudan in aad markale is weydiiso “waa maxay macnaha nolasha”.

Buugga “is weydii su’aalaha saxda ah, si aad u hesho wixii aad rabtay”, waxaa uu jawaabta su’aashani kuu siinayaa qaab fudud oo macno leh.

Inkastoo Filimaan iyo doodo badan laga sameeyey, su’aashan hal xiraalaha ah ee wajiyada badan, haddana jawaabta uma baahna in meel dheer laga doono sida uu ku doodaayo Ion Cooper oo ah qoraaga buugga “Ask the right questions to get what you want”.

Ion Cooper waxa uu aaminsanyahay in jawaabta laga heli karo isla su’aasha nafteeda waa maxay macnaha nolasha?

Si fiican u akhri su’aasha, ku celi oo markale ku celi, waxa aad arki doontaa in aysan su’aal aheyn balse ay tahay jumlad caadi ah.

Waa maxay...Halkani waa jawaabta

Aan ku fahansiiyo waxa laga wado:

Kalimadda su’aal weydiinta ee “Waa maxay”, waa kalimad lagu sifeyn karo macnaha nolasha, horumarka aadanaha.

Markii aan rabo in aan xal u helno dhibaato na heysata ugu horeyn waa in aan i sweydiina “waa maxay mushkiladda” si aan jawaab ugu helno dhibta taagan.

Fiiro gaar ah u yeelo dhinacyada kala duwan ee nolasha, waxa aad ogaan doontaa muhiimadda ay leedahay xirfadda “su’aal weydiinta”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada