Su’aashii Dunida ugu Adkeyda Oo Nin La Weydiiyey.. Arag Jawaabta Uu Bixiyey

-

Wiil dhalinyarro ah ayaa dalbaday shaqo, ka dibna waxaa loogu yeeray Wareysi, si kadis ah ayuu ula kulmay su,aal adag.

Xaqiiqonews-Wararka

Su,aasha wiilka la weydiiyey ayaa waxa ay aheyd “adiga oo baabuurkaada wado, waxa aad soo martay seddex qof oo taagan meelaha baabuurta lagu sugo, seddexda mid ka mid ah waa Saaxibkaa oo hadda ka hor ku badbaadiyey, qof kalane waa gabar aad jeceshahay, halka kan seddexaadna ay tahay haweeney duq ah oo xanuunsan, qofkee ku qaadi laheyd baabuurka… hadii uu ku banaanyahay hal kursi oo kaliya?!

Dabcan..Go,aanka waa mid aad u dag, hadii uu duqda xanuunsan qaado, waxaa halkaasi ku dhaafay abaal uu u gudi lahaa saaxibkiisii badbaadiyey,sidoo kalne jaceylkiisa ayuu xumeyn lahaa, hadiise uu saaxibka qaado, waxaa uu ka tagayaa qofta uu dunida ugu jeclaa iyo qof xanuunsan, waa arin aan fududeyn hadii uu doorto in uu u qaado jaceylkiisa maxaa yeelay. waxa uu luminayaa jaaniskii saaxibkiis uu ugu abaal gudi lahaa iyo waliba qofta xanuunsan ayuu jidka ku dhaafayaa.

Wiilkii kuma qaadan wax badan waxaa uu isla markiiba la soo booday jawaab isaga oo yiri “furaha baabuurka ayaan u dhiibi lahaa saaxibkey si uu isbitaalka ugu qaado duqda xanuunsan, aniga goobta ayaan la joogi lahaa jaceylkeyga…ninkii wareysiga qaadaayey waxaa uu la suuxay jawaabta xikmadda leh.

Muhiimadda waxa ay tahay waa in aan u fikirnaa si aan “caadi aheyn”  waana in aan mar walbo ku fikirnaa waxa binaanka ka ah Sanduuqa.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...