Subxaanalaah:Dhacdo Mucjiso leh oo maanta ka dhacday Guri ku yaalla Muqdisho

Guri ku yaalla Xaafada Kaawo Godeey waxaa ka dhacaday Arrin dad badan ay la yaabeen kadib markii Mid ka mid ah guryaha ku yaalla xaafadaasi ay weerar ku soo qaadeen wax aan la aqoon.
Dadka degan xaafada kaawo Godeey gaar ahaan inta deriska la ah qoyska ay mashaqadu haysato ayaa sheegay in reerkan habeen iyo maalin mudo afra bilood ay dhacdadan haysato.
Waxaa xiliyada qaar kooxdan aan loo jeedin ay gubayaan meel labaatan talaabo u jirta guriga iyagoo kooxda sidoo kale ay ku hubeysan yihiin Baangado iyo dhagxaan.
Arintan ayaa maanta banaanka usoo baxday kadib markii ay tageen guriga ciidamada amaanka ee degmada, islamarkaana ay la kulmeen dhegxaan iyo baangado oo aan la aqoon meel ay ka yimaadeen.
Ciidamada dhacdad la kulmay ayaa waxaa ay sababtay in ay jiho walba ay u ridaan Rasaaas xoogan inkastoo cid wax ku noqotay aysan jirin.
Dadka degan xaafadaas oo markii hore been moodayay arrinta ayaa markii dambe rumeysaty kuwaas oo la amakaagay waxa halkaa ka jira.
[google_ad data_ad_slot=” data_ad_format=’auto’]

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA