Taariikh Geesinimo Leh: Dagaalka Xagga Drone-ka ee Somalia Iyo Qaabkii uu ku bilowday

-

bishii jaanaayo 2007 diyaarad drone ah gaar ahaan nooca loo yaqaan “predator” ayaa ka soo haaday xarun mareykanka ku leeyihiin africa -dhamaan cadeymihii lahelay waxa ay sheegeen in ay jabuuti aheyd goobta ay ka soo kacday diyaarada- diyaaradaasi oo dul istaagtay goob ay ku sugnaayeen labo qof.

Diyaarada ayaa soo jartay ku dhawaad 500 oo miles si ay u soo gaarto koonfurta soomaalia gaar ahaan raaskambooni oo ka tirsan jubada hoose.

isku xirka macluumaadka waxaa gacan ka geysanaayey sirdoonka ethiopia iyadoo diyaaradda ay ku qalabeysneyd camera tayo fiican leh oo ku guuleysatay in ay muuqaal tayo wanaagsan ka qaato kolonyo baabuur ah oo uu la socday Adan Hashi Faraha Ceyrow balse diyaaradu ma wadin wax hub ah sababtuna waa mid xiiso badan.

diyaaradda ma awoodin in ay qaato wax hub ah,si ay u sii dheereysato waqtiga duulimaadka {flight duration} waxa ay sitay oo kaliya camera, badalkeedana diyaarad dagaal oo nooceedu yahay AC-130 oo ay ku xiran yihiin madaxyada gantaalaha ayaa duqeysay kolonyada uu la socday macalin Adan, dhacdadaasi ayaa aheyd bilowga duulaanka xagga cirka ah ee ay fuliyaan drones-ka.

intaasi wixii ka danbeeyey diyaaraduhu waxa ay ka imaanayeen cirka, badda iyo fadhiisimo ay ku leeyihiin ethiopia, djibouti iyo sycheles.

wariyaha wax ka qora dagaalada ee lagu magacaabo “Robert Young Pelton” ayaa qoray warbixin uu ciwaan kaga dhigay “SomaliaReport online journal” isagoo warbxintiisa ku yiri “inta ugu badan dadkii aan muqdisha kula kulmay waxa ay aad u xiiseynayeen fikrada “dagaalka drone-ka” .

waxaa uu sii raaciyey “Muqdisho waa magaalo ay ku dhinteen kumanaan qof oo la duqeeyey ama ku dhintay rasaas la is weydaarsaday”.

Si kastaba ha ahaatee waxaa sii xogeystay dagaalka xagga drone-ka oo u muuqdo mid sii horumaray.

Mareykanka ayaa xilligan isticmaalo diyaarado drone ah oo xanbaara camera islmarkaana dhinacyada ku xanbaara hub lazer ah waxeyna leeyihiin awood ay ku sii jiri karaan hawada muddo dhan 25-saacadood oo xariir taasi oo wax badan ka duwan duulimaadkii 2007.

Hadda daqiiqad walbo waxaa hawada Somaliya ku jira drone balse shaki kuma jiro waxyeelada joogtada ee ay sababaan diyaaradaha drone-ka gaar ahaan Predators iyo Reapers oo ah kuwa ugu badan ee waqtigan soomaaliya ka howlgala.

Noocyada kale ee MareykankaU isticmaala Duqeynta cirka waxaa ka mid ah ,Global Hawks, Fire Scouts iyo Scan Eagles ,blase sida uu aaminsanyahay Chris Swift  halkii xarun oo ay leeyihiin ciidmada Mareykanka halkii marba waxaa ka duusha 12Predator ama Reapers

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...