Taariikh..Wadadii Tareenka Muqdisho ilaa Jowhar +Sawirro

La Wadaag Asxaabtaada

Wadadii xadiidka tareenka ee Mogadiscio-Villabruzzi Railway, waxaa lagu tilmaami karaa taariikh xasuus madan, wadadan ayaa isku xereysay Jowhar ilaa Muqdisho.


Xaqiiqonews-

Nasiibdarro dad badani taariikhdani ma oga, sababtoo ah dowladii gumeystaha Ingiriiska ayaa balan qaaday in taariikhdani ay masasaxdo.

Dagaalkii labaad ee aduunka, markii ingiriiska uu qabsaday Soomaaliya, waxa ay furfureen wadadii tareenka, iyadoo la sheegay in ay u qaadeen waddanka Yugaandha

Sidoo Kale Aqri Muqdisho Mid Ka Mid ah Magaalooyinka Ugu Dadka Badan Afrika..arag Tirokoobkan

Dowladdii Taliyaaniga ayaa koonfurta Soomaaliya ka herglisay Mashruuc weyn oo ah “jid tareen” kaasi oo isku xiray magaalooyinka Muqdisho ilaa Jowhar.

Wadadani tareennka ayaa lagu magacaabi jiray Mogadiscio-Villabruzzi Railway, wadadani ayaa la dhisay intii u dhaxeysay sanadihii 1914-1927-kii, waxa ayna ka soo bilaabaneysay Muqdisho ilaa afgooye, iyadoo intaasi wixii ka dambeeyana wadada ay sii aadi jirtay dhanka degmadii xiligaasi loo aqooni jiray Villaggio Duca degli Abruzzi – oo hadda loo yaqaan “Jowhar”.

Waa tareen maraya Waddo tareen Oo Eriteriya ku taal kaasi la nooc ah noocyadii lagu isticmaali jiray Somalia kuwaasi loo lagu magacaabo A “Ansaldo 442” steam locomotive,  waxaana la sameeyey sanadkii 1938-kii

Waa tareen noociisu yahay A “Ansaldo 202” steam locomotive,  oo la mid ah kuwaasi soomaaliya lagu isticmaali jiray
FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada