Taarkiih Kooban..Faaduma Nakruuma Oo Xamar ku Geeriyootay

La Wadaag Asxaabtaada

Isbitaalka Martiini ee lagu xanaaneeyo bukaanada Karoona Fayrus la xanuunsan waxaa ku geeriyootay fanaanadda Faaduma Cali Nakruuma oo ka tirsaneyd hobaladii Waaberi.


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Faaduma Nakruuma oo sanadihii ugu dambeeyey Xamar ku nooleyd ayaa u geeriyootay xanuunka Safmarka ah ee Karoona.

Taariikh Kooban

Faaduma Cali Jaamac Nakruuma, waxa ay aheyd gabadhii ugu horeysay ee iyada oo askari ah fanka ku soo biirta xilliyadii bariisamaadka sanadka markuu ahaa 1964-kii.

AUN Faaduma Nakruuma ayaa ku dhalatay magaaladda dhuusa mareeb ee gobolka Galgaduud sida ay ku sheegtay wareysi ay bixisay sanadkii 2020.

Sidoo kale Aqri:Fanaanadda Oo Kaliya Ma Dhiman Fankii ayaa La Dhintay

Bixitaankeedii iyo soo noqoshadeeda

Faaduma Nakruuma ayaa ka mid aheyd dadkii 1991-kii iskaga barakacay magaalada Muqdisho laakiin dalka ayey dib ugu soo laabatay sanadkii 2018 muddo 27 sano oo ay qurbaha ku nooleyd ka dib.

Heestii Dib baa loo noqonayaa

Hargeeysa naq baa ka da’ayoo, nal baa xamar iiga baxay, ayaa ka mid aheyd erayada mid ka mid ah heesaha Faaduma Nakruuma ay soo qaatay intuu dalka uu ku jiray dagaalka Sokeeye, allaha u naxariistee erayada heesta waxaa iska leh abwaankii caanka ahaa “Sangub”.

Shicibyahow Wanaagsan

Hadii ay timaado heesaha wadajirka iyo midnimada, Faaduma Nakruuma waxa ay dhaxalka fanka kaga tagtay keyd socda oo heeso ah, waxa noo soo qabanayaa heestii lama illoobaanka aheyd “Aan wadajiro walaalayaalow”, waxaana alla ugu baryeynaa in uu dambigeeda dhaafo.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada