Taleefonka Ismaartiga ah Jeebka Ha Gelinin!

Dhaqtarka Ruushiyaanka ah ee lagu magacaabo Vladislav Muhammad ayaa afka ku dhuftay in isticmaalka taleefoonka uu sababi karo “caafimaad darro” tusaale dhaqaatiirta ayaa aaminsan taleefoonka oo jeebka la geliyaa in ay keeneyso saameyn xagga “xubnaha taranka ah”.


XAQIIQ NEWS- CAAFIMAAD

Khabiirka oo arimahani ka hadlaayey ayaa yiri “daraasado badan ayaa la sameeyey walina wax cad lama helin, talada waxa ay hadda noqoneysaa – ugu yaraan qofka ha iska yareeyo watiyada taabashada taleefonada iyo jirkiisa”.

Waxaa jirta aragti dhaheysa.. jirkeena waxa uu ka sameysanyahay “elektaroomagnet” sida taleefoonafa camal, magnet-ka hadii mid kale uu fal kal la sameeyana waxa ay saameyn ku yeelan kartaa shaqooyinka Baayo-kimikeed ee jirka ka dhacaya.

Sidoo Kale Aqri..Waa Kee Taleefonka Cusub ee Bitirigiisa Debka Ceshan Karo 50 Maalin!

Wareysi uu bixiyey ayuu ku sheegay in ay jiraan daraasado badan oo laga sameeyey saameynta Elektaromagnet-ka ku leeyahay jirka dadka, daraasadaha ayaa muujiyey in saameyntu aysan aheyn mid mar walbo taagan, hadii ay jirtana aysan aheyn mid mar walbo waxyeelo xun sababi karta.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA