Taleefoon cusub oo lagu difaaco basasaaska taleefonada oo tijaabada koowaad ka baxay

-

Basaaskii hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Maraykanka ee CIA muddooyinkii dambana caanka ku noqday fashilinta xogaha sirdoon ee Maraykanka Edward Snowden ayaa hal-abuuray Tiknoolajiyad cusub oo talefannada gacanta ka ilaalinaysa in qolyaha sirdoonku ay jabsadaan si ay macluumaadka ku jira ula baxaan ama u dhegeystaan.

Snowden oo kaashanaya nin ka mid ah burcadda jabsata internet ka oo lagu magacaabo Andrew Hyung ayaa sameeyey qalab u samaysan sida galka Talefanka dusha laga geliyo ee baytariga wata oo talefanka ka ilaalinaya cid kasta oo isku dayda in ay dhegeysato ama jabsato xogta ku jirta.
Barnaamijkan ay iska kaashadeen basaaska hore iyo xeeldheeraha burcadda internet ka ahaan jiray oo bilowgiisu ku shaqaynayo talefanka Casriga ah ee iPhone 6 ayaa la filayaa in haddii uu dhaqan galo uu si weyn ugu faa’idayn doono wariyeyaasha iyo dadka arrimaha siyaasadda iyo bulshada u dhaqdhaqaaqa oo inta badan ah kuwa ugu badan ee ay dawladuhu dhegeystaan, sidoo kale wax aka faa’idaysan doona cid kasta oo macluumaad iyo xogo xasaasi ahi ugu jiraan talefanka gacanta, ama sheekooyin sir ah ku gala, iyada oo la og yahay in hadda ay sahal tahay in qolayaha sirdoonnadu iyaga oo adeegsanaya qalab tiknaalajiyadda ku shaqaynaya ay dhegeysan karaan talefannada gacanta ee casriga ah, xogta ku jirtana la bixi karaan xitaa marka uu bakhtiisan yahay ama adeegga talefanku ka go’an yahay.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...