TALO MUHIIM AH: hadii Rer Muqdidsho sidan yeeli lahaayen waxaa yaraan lahaa qasaaraha(Sidee?)

La Wadaag Asxaabtaada

Qaraxyada muqdisho ka dhaca ayaa intooda badan dhaliya khasaaro badan oo nafeed gaar ahaan dad shacab ah waxaana qaraxyada ka dib goobta gaara gawaarida caafimaadka deg dega ah ee loo yaqaan” Ambulance” balse mqarka dhaacwacyada la geeyo isbitaalada (sida maantaba dhacday) waxaa bata dadka u dhinta dhaawacyada gaar ahaan xaaladda caafimaad ee loo yaqaan “Hemorrhage” (dhiiga baxa) taasi oo si fudud loogu horatgi karo hadii dadka ay raacaan talooyingan caafimaad ee hoos ku qoran.

1. qof kasta oo muqdisho ku nool waa in uu yaqaana nooca dhiigiisa (Blood Group Type) islmarkaana nooca dhiigiisa lagu cadeeyaa kaarkiisa aqoonsiga(hadii uu leeyahay) hadii kale waa in uu sameeystaa Card u gaar ah Noociisa Dhiiga madaama uu ku noolyahay magaalo ay ka jirto xaalad amaan oo halisa ah

Sababta(Description)
Sababta Dhaqtar ahaan Aan u soo jeedinaayo xaaladan caafimaad ayaa waxa ay tahay in markii dhaaawacyada la geeyo goobaha caafimaadka dhaqaatiirtu waxa ay ku bixiyaan waqti badan in la ogaada nooca dhiiga ee shaqsiga dhibanaha ah madaama dadka intooda badan aysanba la socon nooca dhiigooda dhanka kalase waxaa jira dad tiro yar oo garanaayo nooca dhigooda(sidey doontaba ha ku timaate) balse iyaga qudhooda waxaa uu dhaqtarka ku qasbanyahay in uu raadiyo nooca dhiigooda maadaaa xaalada adag uu bugaanka ku jiro aysan ogalaaneynin in bugaanka su,aalo la weydiiyo balse badalkeea waa ay sahlanaan laheyd hadii uu qofkaasi heysan lahaa Card uu ku cad yahay nooca dhiiga ama xitaa hadii card-kiisa shaqada la soo raacin lahaa nooca dhiigiisa.

2.dadka Nooca dhiigooda yahay(0-) iyo dadka qaba cudurka (ITP) waa in aysan isticmaalin wadada Makka al-mukaramah.

Sababta(Description)
dadka ugu badan ee u dhinta dhiiga baxa waa dad aan inta badan la helin nooca dhiigooda gaar ahaan dadka dhiigoodu yahay(0-) waxaan kula talin lahaa in aysan isticmaalin wadada makka-almukaramah si loo yareeyo khsaaraha tusaale dunida maanta lama askareeyo dadka dhiigoodu yahay(0+) sidoo kale dadka qaba cudurka ITP
( Immune Thrombocyto penia) oo ah cudur yareeya xinjirowga dhiigga) iyaga waa in aysan isticmaalin Wadada makka al mkramah.

DR. Mowla Dhore
Cilaaj Medical Center

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada