Warbaahinta dowladda Taybaa oo wax ka qortay todobaadkan deeq ay Taywaan ugu deeqaday dabkii Somaliland ayaa maamulka Somaliland ugu yeertay gooni u goosad.
XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA
Webseetka FokasTaywaan (Focustaiwan) oo ka mid ah warbaahinta afka dowladda ku hadla ayaa wax ka qoray lacag dhan nus milyan doolar oo Taywaan ugu talagshay dabkii Waaheen isagoo sheegay In Taywaan ay deeq gaarsiisay wax uu ugu yeeray “dowlad gooni u goosad ah”
Qaar ka mid ah shacabka reer Somaliland oo dhaliilay deeqda taxadarka ka muuqda ee Taywaan ayaa isbarbar dhigay deeqda Taywaan iyo deeqdii Milyanka aheyd ee ganacsatada suuqa Bakaaraha ay ugu deeqeen Somaliland.
Taywaan iyo Somaliland oo ah dowlado aan laga aqoonsaneyn QM ayaa xusul duub ugu jira dhawaanahaan sidii ay u muujin lahaayeen kutlad mideysan oo “aqoonsi raadis ah”, waxa ayna muddooyinkii ugu dambeeyey sameynayeen booqashoooyinka iyo xiriiro labada dhinac ah.
Sida ay Taywaan uga fiirsaneyso erayada ay u adeegsaneyso Somaliland, isalmarkaana ay taxadar uga muujineyso dhaqdhaqaaq yadeeeda ayaa waxa ay abuuri kartaa tuhmad, balse Somaliland aya horay qaab aan kala reebasho laheyn isugu dhiibtay Taywaan.