Thomas Edison: 10 Weer Oo Dhiiri Gelin ah Oo Kugu Xambaari Doonto In aad Guuleysato

-

Wey adagtahay in ay ku soo marto saacad aadan isticmaalin wax uu soo ikhtiraacay Thomas Edison, Maanta Halkan waxa aan idinkuga soo gudbin doonaa Ma aha wixii uu soo saaray, kaliya waxaan soo qaadan doonaa hadaladiisii dhiiri gilinta ahaa.

Xaqiiqonews-Farsamada

Thomas Edison, dadka qaar waxa ay u arkaan mid ka mid ah dadkii ugu cuslaa ee soo mara taariikhda bani,aadamka, waxaa uu Dunida ku iftiimiyey Laambadiisii korontada, waxaa uunaa ahaa ninkii sameeyey Kun hal-abuur ka badan.

Dad kale ayaa ninkani u arka, in uu ahaa tuug soo xaday hal-abuurada dad kale, waxa uua ahaa nin xariif ganacsade caqli badan, oo fahmay sida fikradaha , iyo hal-abuurada looga dhigo kuwa waaqici ah, islamrkaana faa,ido u leh dadka.

Ama ta hore ha ahaado ama tan dambe, waxaa shaki ku jirin in Edison uu boos weyn ka galay taariikda aadamiga, Thomas dunida ma uusan noo dhaafin oo kaliya hal-abuuro, sidoo kale waxaa uu ka tagay hadalo dhiiri gilin ah kuwaasi oo caawinaya dadka jecel in ay ku guuleystaan hamigooda.

  1. Guu ldarrada ugu weyn waa in aad JOOJISO howshii aad waday, wadada kaliya ee lagu guuleysan karo waa in aad sameysaa ISKU DAY wax ka badan tiro.
  2. Aniga ma guul dareysan, Kaliya waxaan arkay 10,000 qaab oo aysan suurta gal aheyn in guul lagu gaaro
  3. Waxa kuu soo muuqan doono kaliya waa wax aad horay u sameysay
  4. Inta badan dadka Doonaya in ay horumariyaan Fikrad shaqeyneysa, waxa ugu horeeya ee ay arkaan waa in fikrada ay u muuqato ,Waxa aan dhaci karin, ka dib qofka wuu niyad jabaa, ogow halkaasi ma ahan goob lagu niyad jabo
  5. Dadka ugu badan ee guuldareysta noolasha waa dadka aan ogeyn sidii ay ugu dhawaayeen guusha markii ay howsha joojinayeen.
  6. Xumaanta kaliya ee aad leedahay waa waxa aad tahay ee ma ahan waxa aad heysato
  7. Wili waxaa jira Qaab kale oo loo sameyn karo-raadi qaabkaas.
  8. Waxaan ka bilaaba had iyo jeer meeshii ugu dambeysay ee qofkii iga horeeyey dhigay
  9. Marka shaqo la joogo waxa ku caawiya waa 1% Caqliga iyo 99% dadaal.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...