Qaar ka mid ah qalabyada tiknoolajiyadda iyo adeeggyada casriga ah ayaa la damin doonaa ama gabi ahaanba dadku aysan xiiseyn doonin isticmaalkooda, Sida lagu daabacay Webseetka Tiknoolajiyadda ka hadla ee pcworld.
XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI
Farm ville
Gaymka ciyaaraha ee Farm ville waxaa lagu isticmaali jiray Facebook, sida uu ka waramaayo Webseetka New York Times, inta u dhaxeysay bilihii June iyo Oktoobar ee sanadkii 2009 in ka badan 62 milyan oo qof ayaa is diwaangeliyey si ay u ciyaaraan gaymkaas, laakiin maanta Gaymkaasi waxa uu saaran yahay firaashka geerida, mana lahan isticmaalayaal badan.
Google Play Music
Google dhawaan muddo bil laga joogo waxa uu bilaabay in uu dhiirigeliyo macaamiishiisa in ay u guuraan Youtube Music, iyada oo bishii Agoosto uu gabi ahaanba google-ka joojiyey in wax cusub la soo geliyo ama lagala dego ablikeeshinka “Music manager App”.
Sidoo Kale Aqri: 5 Shaqo Oo Tiknoolajiyadda Darteed Booska Ka Bixi Doona
Diseembar wixii ka dambeeya Google waxa uu u guurayaa Youtube Music.
Adobe Flash Player
Sagaashameyada Ablikeeshinka Adobe Flash Player ma aheyn oo kaliya qalab loo adeegsado isticmaalka Webseetyada, waxa uuba ka dhignaa Webseetka laftiisa maxaa yeelay suuragal ma aheyn qofka in uu muuqaal daawado ama gaym ciyaaro ablikeeshinkan la’aantiis.
Hase ahaatee waxaa timid watigii aynu macsalaameyn laheyn “adobe flash player”, marka la gaaro 31 Diseembar 2020 ablikeeshinkani ma ahan mid sii shaqeyni doono.
Windows 7
Waayihii nololeed ee Window 7 waxa ay soo afjarmi doontaa Janaayo 2020, inkastoo dadka ay sii adeegsan doonaan Sida Window xp oo kale, haddana Ablikeeshinkan ayaa waayi doono qeyb muhiim ah oo ah “update-yada xagga ammaanka” (security updates) .
Hadii aad ka mid tahay isticmaalayaasha Window7 waxaa la joogaa waqtigii aad ka tabaabusheysan laheyd, kombiyuutarada Window7 ku shaqeeya intooda badan waxa kale oo ay ku shaqeyn karaa Window10.