Tilmaamayaasha.. Ka Guurista Whatsapp Ilaa “Signal”.

La Wadaag Asxaabtaada

Ogeysiiskii dhawaan ka soo yeeray Whatsapp ee dadka ku soo rogaayey sharuudaha adag ee isticmaalka xogtooda ayaa sababtay in ay badato hadal heynta ablikeeshinka “Signal” kaasi wax badan kaga eg Whatsapp-ka laga shakisanyahay


XAQIIQO NEWS- TIKNOOLAJI

Ablikeeshinka bilaashka ah ee “SIGNAL” waxaa uu bixiyaa adeeg wadashkeysi cod ah iyo mid fariin ahba, waxaana lagu isticmaali karaa taleefonada “Android iyo Iphon labduba, ku biiristiisana kagama baahna waxa aan ka aheyn “taleefon lambarkaada” sida uu qoray Webseetka International Business Times.

Markii ay badatay hadal heynta “Signal”, dad badan ayaa macsalaameeyey isticmaalka Whatsapp iyaga oo u guuray ablikeeshinka “signal” ee sida bilaashka ah looga heli karo “play store-ka”.

Sida ay qortay shirkadda falanqeysa xogta ee “Sensor Tower”, dadka iska diwaangeliyey ablikeeshinkan ayaa kor u dhaafay 100 kun oo qof, waxaana sidoo kale 11% hoos u dhacay dadkii degsan jiray ablikeeshinka whatsapp-ka malmihii u dambeeyey.

Sidoo Kale Aqri: Ma Isticmaashaa Whatsapp..Arintan Iska Fiiri

Tallaabada ugu horeysa ee aad ugu guureyso Signal ayaa ah in aad la soo degto ablikeeshinka, ka dib aad furto seddexda dhibic ee kore ee ku yaalla xagalka midig ee shaashadda abka, halkaasi oo aad ka heli karo khiyaaraadka ablikeeshinka oo ay ka mid tahay in aad “Guruub Sameyso”.

Markii aad guruub sameyso ka dib, magac ayaad u bixineysaa, adiga dabadeedna ku darsanaya dhammaan lambarada aad dooneyso in aad xiriirka la sameyso.

Qofka ayaa intaasi ka dib sameynaya in uu furo guruubka, ka dibna uu doorto seddexda dhibic ee ku yaalla dhinaca midig ee shaashada ka dibna waxa uu dooranayaa “Settings”, isaga oo ku dhufanaya linkaga guruubka, isla halkaasi qofka waxa uu dooran karaa linkiga in uu ku share-gareeyo Whatsapp halkaasi oo dadka ay kaga soo biiri karaan “signal”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada