Tiro madaafiiic oo loogu dabaaldagayay Xaaf oo ku dhacday dhanka Puntland…….

La Wadaag Asxaabtaada

Wararka ka imaanaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Tiro dad ah ay ku dhaawacmeen Rasaas loogu Dabaaldagayay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Gaalle Xaaf oo Maanta lagu doortay Magaalada Cadaado.
Madfac Habow ah oo ku dhacay Waqooyiga Gaalkacyo ayaa naloo Xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen illaa Afar Qof oo Labo ay Caruur tahay,waxaana sidoo kale la sheegay in Hal Qof uu ku dhaawacmay Koofurta Magaalada.
Maamulada Galmudug iyo Puntland wali kama hadlin Madfaca maanta waqooyiga Gaalkacyo laga tuuray ee dadka shacabka ah ay dhaawacyada kasoo gaareen , sidoo kale saraakiisha amniga ee labada maamul wali kama aysan hadlin .

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
Like
Like Love Haha Wow Sad Angry
La Wadaag Asxaabtaada