XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS
WARKA: Dagaalka Yukrayn waxa uu galay maalintii todobaad, waxa ayna sii xogeysanaya duqeymaha Ruushka, wasiirka arimaha dibadda Ruushka ayaana yiri howgalka waa uu sii socon doona ilaa aan ka gaarno hadafka, iyadoo sawirka xagga dayax gacmeedka lagu qaaday lagu arkaayo kolonyo Ruush ah oo dheer oo isku xariirsan ilaa 60 km kuwaasi oo ku sii jeeda caasimadda Kiyeef.
DHAMMAADKIISA: Bilowka dagaalka Ruushka ayaa lahaa gacanta sare, waana arin ay Yukrayn iska ogeyd haddana ay dhadhamineyso qaraarkeeda, laakiine go’aanka Falaadmiir Buutin ee horay ugu soo socshada caasimadda Kiyeef waxa uu xaaladda ka sii dhigeysa mid ka adag sidii hore arintuna waji kale ayey yeelan kartaa.
Ruushka waxa uu u muuqdaa in uusan rabin in dagaalka Yukrayn uu daba dheeraado, maadaama howgalka uu dhaliyey muran siyaasadeed oo xoog leh iyo culeyso dhaqaale oo Ruushka soo food saaray.
Dhinaca kalana Mareykanka oo waxa uu rabaa in daba dheereeyo dagaalka, isaga oo doonaya in Ruushka uu sidaas ku dhiig bixiyo milatir ahaan iyo dhaqaale ahaana waa arin ugu dambeyn Ruushka ku qasbi karto dib u garasho iyo in uu aqbal shuruudaha galbeedka si dagaalka loo soo afjaro.
Inta u dhaxeysa Ruushka iyo Mareykanka Yukrayn waxa ay noqotay garoon lagu ciyaaraayo shacabka Yukrayn ayaana bixinaya qiimaha dagaalka ku baxaayo.
Cunsiyaradda Galbeedka
Gantaalada Ruushka ee barakaca ka abuuray Yurub dhaxdeeda waxa ay ku qasbeen warbaahintii galbeedka in ay banaanka soo dhigaan wajigooda runta,qofka la socdana meelaha ay ku wada xiriiraan si cad ayuu u aqrisan karaa qalbiyadooda.
Tusaale waxaan u soo qaadan karaa falanqeeya ay BBC-da wax ka weydiisay arimaha Yukrayn kaasi oo dhahaya “waa wax dareenka kicinaya, waxa ka socda Yukrayn waxaa ku dhimanaya dadka Yurubiyaan ah, dad indha buluug ah leh oo tima boor leh ayuu Putin maalin kasta la dhacayaa gantaalo iyo diyaarado”.
Waxaa arintaas ka sii darneyd markii wariyahii bbc-da uu arinta marmarsiiyo u sameeyey isaga oo leh “dabcan waa fahmi karaaa waana ixitiraamayaa dareenkaada”, ma arkeysaa marka laga hadlaayo qofka indhah baluugga leh waa dareen caadifadeed oo la aqbali karo!

BBc-da oo kaliya ama ahan tusaalayaasha waa badan yihiin, min Tuwiter ilaa Facebook waxa ay jebiyeen shuruucdii iyaga ay dajiyeen kaliya si loo taageero dad cadaan ah oo la barakiciyey.
Todobaad gudahiisa dagaalaka Yukrayn waxa uu banaanka soo dhigay cunsiyaradda galbeedka waana cashar muhiim ah oo aan ka baran karno Yukrayn.
Isbadalka Adduunka
tan iyo 1945-kii, waa markii ugu horeysay ee wadan cadaan ah ama Yurubiyaan ah uu la kulmo weerar toos ah oo lagu soo qaado. waana arinta reer Galbeedka ka dhigtay kuwa anfariirsan oo laqi la’ waxa socda.
Yukrayn waxa ay ka mid aheyd kuwa kaalmaha hore kaga jira dowladaha miltari ahaan ugu awood badan Yurub, haddaba sida fudud ee Ruushka uu dalkaasi gudaha u galay waxa ay Yurub dhaxdeeda ka abuurtay dareen cabsi leh.
Weerarka Ruushka ama ahan faragelin Yurub oo kaliya lagu sameeyey, arintani waxa kale oo ay faragelin ku tahay nidaamka caalamka cusub “new world order” ee reer galbeedka dunida ku hogaamiya.
Weerarka Yukrayn waxa uu Shiinaha siin karaa dhiirigelin uu ku weeraro Taiwan sidoo kalana Iiraan oo ka faa’ideysanaya jahawareerka waxa ay si toos ama dadban weerar ugu qaadi kartaa Israa’iil, arintaasi oo hadii ay dhacdo dunida u badali karto waji cusub.
Inkastoo aan la saadaain karaa natiijada dagaalka Yukrayn, waxaa halkani aan ka baraneynaa in dunida aysan aheyn sidii aheyd 20 ama 30 kii sano ee la soo dhaafay.