Todoboda Dhaxdeeda..Naag Ninkeeda Ka Dalbatay Furiin Sabab Yaab Leh Darteed

La Wadaag Asxaabtaada

Haweeney ayaa dacwad kaga gudbisay ninkeeda 20 jirka ah, intii ay ku guda jireen bishii koowaad ee Malabka ka dib markii ay ku eedeysay in uu u soo iibin waayey “Boorsada dumarka” ee gacanta lagu qaato.

Xaqiiqonews-Wararka

Sheekadan oo ka dhacday magaalada Dubaay ee dalka Imaaraatka Carabta ayaa ku bilaabatay ka dib markii haweeneyda ay daktay maxkamad iyada oo furiin dalbaneysa.

Haweeneyda ayaa ninkeeda u soo jeedisay in uu iska dabaaliyey dalab ay u soo jeedisay oo ahaa in uu u soo iibiyo “Boorso Gacmeed” yar , hase ahaatee ninka oo ariman wax laga weydiiyey ayaa sheegay in arinkani uu ku noqday “mid kadis ah” madaama uusan ka fileynin xaaskiisa arimahan oo kale xilli waliba ay ku guda jireen bishii malabka.

Sidoo Kale Aqri Wixii Hore Oo Dhanba Ka Daran..Waa Tee Naagta Gaduudan

Xarunta “La talinta qoyska” ee Dubaay ayaa sheegtay in ay isku dayeen in ay kala dhaxgalaan qoyskan hase yeeshee waa ay ku guuldarreysteen, ka dib markii haweeneyda ay ku adkeysatay Furiin, iyadoo ninka ku eedeysay “bakhiilnimo” ayna u dul qaadan karin nolol mustaqbal ay la qaadato qof bakhiil ah.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada