Al Shabaab ayaa horay uga tootgatay degmada Buq-aqalbe dhowr qof oo hore isla sanadkan gaar ahaan bishii May ee sanadkii tagay,ayaa kooxdu waxa ay toogteen Axmad Ibraahim Raagoow oo 29 sano jir ah, waxaa lagu eedeeyey inuu Kufsi u gaystay haweeneey ku nooleyd baladweyne sidoo kale kooxda ayaa isla maalintaasi toogatay Yuusuf Cali Bajiin oo 22 sano jir ah, waxay maxkamadu ku eedeysay inuu falka kufsi ah ka qayb qaatay, balse uusan dilka geysanin Waxaa intaas usii dheer isaga inuu ka tirsanaa waxaa uu qaadiga ugu yeeray maleeshiyaadka maamulka Baladweyne ka dhisan.
Sidoo kale Bishii Octobar ee Sanadkii tagay 2017,Maxkamad taabacsan Xarakada Al Shabaab ayaa dil ku ridday gudaha Magaalada Buq-aqable nin 51 sana jir ah oo lagu magacaabi jray Cali Axmed Caddow oo kamid ahaa dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, Eedaysanaha ayaa qirtay dhammaan dambiyadii lagusoo eedeeyay.
Falkani dilka ayaa noqonaya kii afaraaad oo ka dhaca isla degmada buq-aqable madaama degamada ay nqotay xarun ay alshabaab muhiim u arkaan ka dib markii gacantooda ay ka baxday degmada buula-barde.