Madaxweynaha Azerbaijan ninka lagu magacaabo Ilham Aliyev ayaa sheegay arabcadii in wadankiisa uusan joojin doonin dagaalka kala dhaxeya Armenia, ilaa ay gacanta kaga dhigeen aagga lagu murunsan yahay ee Karabakh.
XAQIIQ NEWS- WARARKA DIBADDA
Aagga lagu muransan yahay ee Nagorno-Karabakh, waxaa leh Azerbaijan, waxase dagan dad badan oo reer Armenia ah, muddooyinkii ugu dambeeyeyna waxaa gacanta ku haayey Armenia.
Isku dhacyo iyo xiisado dagaal ayaa wadamada dhax maray dhowr mar, muranka ka taagan Nagorno-Karabakh darteed.
Laacibka Weyn iyo Ciyaarta-Cirka
Inkastoo Turkiga uu iska diiday ku lug lahaanshiyaha dagaalka Armenia iyo Azerbaijan, haddana Armenia ayaa dhowr mar ku eedeysay in dagaalka uu gacan weyn ku leeyahay Turkiga.
Sidoo Kale Aqri..Iska Baro..Drone-ta Akinci ee Dhawaan Turkiga Sameeyey
Guulo ayey sheegatay Azerbaijan in ay ka gaartay dagaalkan cusub, wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi ayaana baahisay muuqaalo dhowr ah oo ku saabsan burburinta gadiid dagaal iyo saanado millatari oo Armenia ay leedahay.
Ruushka Isma Difaaci Karo!
Dhinaca kale Armenia ayaa gacan ka heleysa Ruushka iyo Iiraan oo sida la sheegay hub iyo saanado geeyey dalkaasi bilowgii dagaalka.
Hase yeeshee Iiraan ayaa dhankeeda iska fogeysay ku lug lagaanshiyaha dagaalka, balse Ruushka oo qaab muuqata qeyb kaga ah dagaalka ayaa lagu eedeeyey in uu “difaaci kari waayey Armenia”.
“Waxaan u heystay in Ruushka yahay quwad weyn, laakiin markii aan arkay Suuriya, Liibiya iyo waxa uu Turkiga ka wada Armenia, waxaam ogaaday Ruushka in uusan xitaa naftiisa difaaci karin” ayuu yiri mid ka mid ah dadka fikirkooda ka dhiibtay muuqaalada laga soo duubay aagga dagaalka.