Trump iyo Biden.. Mustaqbalka Cabsida Leh Ee Mareykannka

-

Mareykanka afartii sanaba hal mar, cod-bixiyaasha doorashooyinka ayaa dhageysta dood u dhaxeysa musharixiinta madaxweynenimo.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

Warka: Dadweynaha Mareykanka ayaa niyad jab ka qaaday dooddii Joe Biden iyo Trump, madaama doodu ay ka buuxeen hadallo iska maalaa yacni ah iyo erayo markii ugu horeysay doodda laga dhax maqlay tan iyo markii dooddan la bilaabayo 60 sano ka hor.

Dhammaadkiisa: waxaa jira labo arin oo muhiim ah kuwaasi oo u baahan in si gaar ah loo dul istaago, waxaana ka mid ah

Afka-Dhac iyo Hadallo Caruureed

Intii Lagu guda jiray doodda, Trump ayaa isku dayey in uu doodda ka dhigo meel u eg madadaalada Serkas ( Circus ), dhowr mar ayuuna isku dayey in uu hadalka ku jaro Biden oo uu tashwiish ku furo.

Halka musharaxa xisbiga dimuqaraadiga uu isna si bareer ah u adeegsaday erayo aflagaado ah oo ka dhan ah Trump sida (Afka xiro, eyga Putin iwm).

Hadallada noocan ah kama tarjumayaan oo kaliya xiisad u dhaxeysa labadan nin, arintani waa waxa ay sawir ka bixineysaa heerka uu maraayo waaqica bulsha iyo kan siyaasadeed ee Mareykanka.

Qaabka ay u dhacday dooddii koowaad, waxa ay shabaheysay doodaha barlamaanka Soomaaliya oo beryihii dambe lagu arkaayey dad is caynaayo iyo weeraro shakhsi ah.

Xagjiriinta Midigta Fog

Trump ayaa gacan weyn u fidiyey xagjiriinta aaminsan in midabka cad uu ka sareeyo ciriqyada kale, Trump ayaa diiday in kooxahani wax eedeyn ah loo jeediyo isaga oo arintaasina ka dalbaday xiriiriyaha barnaamijka Chris Wallace iyo Joe Biden.

Warbaahinta Mareykana ayaa qireysa in ay burburkii ugu xumaa ay dhax maquuraneyso waxa loogu yeero dimuqaraadiyadda Mareykanka, ka badbadisna ma noqoneyso hadii aan dhahno Trump waxa uu door muhiim ah ka ciyaaray burburinta dimuqaraadyaddan.

Waa kan Saxfiga Ameerikaanka ah Thomas Friedman oo leh: Trump waxa uu dadka Mareykanka soo hordhigay labo daran mid inay doortaan “in uu xilka sii haayo ama in uu dalka burburiyo”, waana arinta shaki gelineysa mustaqbalka siyaasadeed iyo midka bulsho ee Mareykanka.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...