Ku Xigeen Madaxa Boliiska Dubai Daaxi Khalfan Tamim ayaa Weerar ku qaaday Madaxweynaha Mareykanka isaga oo ku calaamadeeyey “Bakeyle” marka laga hadlaayo arimaha Iiraan.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Khalfaan oo qoraal soo dhigay Tuwiter-ka ayaa yiri “Trump waa libaax marka uu la joogo carabta, balse Waa Bakeyle marka ay sheekada lugaha la gasho Iiraan”.
لماذا كان ترامب اسدا على العرب وامسى ارنبا امام ايران ؟— ضاحي خلفان تميم (@Dhahi_Khalfan) July 22, 2019
Hadalkani ayaa waxaa ka horeeyey hadalo weerar ah oo aqoonyahano dad caan ah oo carbeed ay ku qaadeen Trump.
Sidoo Kale Aqriso:kooryaan-cusub-oo–qaatay-magaca-donald-trump-sabab?
Markii Trump uu joojiyey weerar lagu qaadi lahaa Iiraan ayaa Cabdi Khaaliq Cabdulaahi oo ka tirsan aqoonyahanada Imaaraatka waxa uu Trump ku qaaday weerar afka ah isagoo leh “Trump ma waxa uu noqday af iska goodinaya oo hadlaya oo kaliya, mise waa nushkad Shaqlan oo ka tirsan madaxweynihii noqnoqshada badnaa, eena Xeelada Yaraa Obama”.