Erayada Trump ayaa baraha bulshada kala kulmay dhaleeceyn xoog leh, qaar ka mid ah warbaahinta ayaana hadalada Trump ku tilmaamay “dib u soo cusbooneysiinta cunsuriyadda”.
Xaqiiqonews-Wararka
Erayo weerar ah oo aan aheyn kuwii ugu horeeyey, una badan tahay in aysan noqon kuwii ugu dambeeyey, Trump ayaa weerar sumcad xumeyn ah ku qaaday dal uu u arko “mid aan dowlad laheyn”.
“Dowlad ma jirto, nabadgelyo ma jirto,Boolis malahan, waxba malahan” ayuu yiri Trump oo dalka Soomaaliya ku tilmaamay dal fowdo ah.
Trump oo jeedinaayey khudbad ka mid ah “ololahiis doorashada”, islamarkaana weeraraayey Ilhan cumar, ayaa yiri “Iyada oo ka soo jeeda Soomaaliya ayey rabtaa in ay noo sheegto sida aan u maamuli laheyn dalkeena, maya waad mahasantahay” .
Sidoo Kale Aqri..Trump Ma Libaax baa Mise Waa Bakeyle..Waa Tan Jawaabta
Erayada Trump ayaa baraha bulshada kala kulmay dhaleeceyn xoog leh, qaar ka mid ah warbaahinta ayaana hadalada Trump ku tilmaamay “dib u soo cusbooneysiinta cunsuriyadda”.
Trump ayaa caan ku ah aragtida cabsi gelinta, waxaana la xasuustaa in uu olalihiisii doorashada Obama ku tilmaamay qof aan ku dhalan Mareykanka, ololaha noocan ah ayaa afka-ingiriiska lagu yiraahdaa “Birther movement”, oo u dhigemeysa aragtida Soomaaliyeed ee “unukaa leh”.
Weerarka Trump ayaa ku soo aaday todobaad un ka dib markii Ilhan Cumar ay aabaheyd ku weysay xanuunka Covid-19.
Ilhan ayaa bogeeda Tuwiterka ku soo qortay hadalo jawaab ah oo ku aadan Trump, waxaana qoraalkeed ka mid ahaa “qofka kaliya ee wadankeena fashil ka dhigaya waa adiga, ma ahan qofka qaxootiga ah, ama soo galootiga” iyadoo hadalkeeda ku soo gabagabeysay “shaqadeena ayaan wadanaa”.