Trump waxa uu marayaa xaaladdii ugu xumeyd ee maalmihiisii madaxtinamada, jawiga Washington waxa uu u muuqdaa mid soo xasuusanaya ayaamihii Dhibaatadii Watergate.
Xaqiiqonews.com-Wararka Dibadda.
Madaxwaynaha maraykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in dhaqaalaha Maraykanku ku dhici doono “burbur” haddii isaga la casilo, iyada maalmahan dambe ay fowdo hareeysay Aqalka Cad, taas oo hoggaamiyeyaal khibrad u leh ku micneeyeen in arintani ay keeni karto in Trump xilka iskaga tago.
Wareysiga Trump ee Fox News ayaa imaanaya maalmo ka dib markii uu qareenkiisa hore ka markhaati furay in Trump lacago sharci-darro ah oo maaliyadeed u isticmaalay ololihii doorashada si siaga loogu codeeyo.
Trump ayaa yiri “Waxaan idiin sheegayaa haddii aan is casilo, waxaan u maleynayaa in suuqyadu burburin doonaan,” isagoo raaciyey . “Waxaan qabaa in qof walba uu noqon doono mid liita(faqiir) ”
“Ma aqaan sababta loo takoorayo qof shaqo fiican qabtay,” ayuu yiri Trump.
Trump ayaa la kumlay todabaadkan dhaxdiisa laba dharbaaxo oo culculus, markii Cohen uu qiray in Trump dambiile ku noqday jabinta ololaha doorashooyinka madaxeynka 2016-ka, sidoo kale hogaamiyhiisii oloha doorashada Paul Manavort ayaa qiray in uu is daba marin ku sameeyey Canshuuraha.
Laakiin madaxweynaha ayaa u muuqda inuu doonayo inuu ka gudbo duufaanka, halka Aqalka Cad uu isku dayaayo in uu wax ka qabto caqabadahan cusub ee fool xumeeyey sumcadii Trump.
Wakaaladda Associated Press ayaa qortay “Madaxweyne Trump wuxuu ku nool yahay mid ka mid ah waqtigiisii ugu halista badneed ee madaxweynanimada,” , dhanka kalase Haddii Ruushka la caddeeyo in uu ku lug lahaa doorashooyinka, taasi waxay noqon kartaa mid ku filan Trump in uu “Isku Casilo”.
Falanqeeye siyaasadeed oo mareykanka u dhashay ninka lagu magacaabo Jeffrey Tobin oo la hadlay CNN-ka ayaa arintani ku tilmaamay mid “Halis ah” wuxuuna yiri ” muddo badan ka dib dadkii ku dhawaa madaxweynaha ayaa qiraya in uu dambi galay”.
dhankiisa Philip Allen Lakovara, oo ahaa lataliye madax-bannaan oo baaray madaxweyne Richard Nixon doorkkii uu ka qaatay fadeexaddii Watergate, ayaa yiri: “Dambiga oo ay la socoto qirasho ay wehlineyso dhaar , waxa ay tusineysaa madaxwaynuhu in uu qeyb ka ahaa jebinta ololaha doorashada madaxweynaha , arinkaasi oo uu xitaa qiray Cohen.
Kiiska Xaaladdii Watergate, guddi ayaa go’aamiyay in Nixon uu ahaa “Dambiile, aan eedeysneen” ka dibna Nixon ayaa is casilay markii dalabaad badan uu kaga yimid Congress-ka.