Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baaq u diray waxa uu ugu yeeray “Dowladaha Qaniga ah”, isagoo ugu baaqay in ay lacag siiyaan Mareykanka sii loo difaaco, waxa uuna tusaale u soo qaatay Sacuudiga.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Shir saxaafadeed si wadajir ah ay u qabteen Trump iyo Xoghayaga Ururka Nato Jens Stoltenberg, ayuu Trump yiri “Xiriir wanaagsan ayaan la leenahay Sacuudiga , markii la soo weeraray kaalmo ayey naga dalbadeen ciidan ayaan u dirnay, Malaayiin Doolar ayeyna na siiyaan” .
Sidoo Kale Aqri Trump Oo Afka Furtay “Waan Ka Tin dheerahay Faceyga”
Waxa uu intaasi raaciyey “Dowladaha qaniga lacag ha na siiyaan si aynu u difaacno”.
Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa sheegtay 10-ka Bishii Noveber in ay Sacuudiga u direen ilaa 3 Kun oo askar dheeraad ah, taasi oo sida ay sheegeen jawaab u aheyd Weerarka warashadaha Shidaalka ee dhacay Bishii September .