Trump Oo Dhahaya “Ramadaan Kariim”

La Wadaag Asxaabtaada

Aqalka Cad ayaa xaflad afurin ah u sameeyey safiiro ka socdo waddamo muslmiin ah iyo ururada Islaamka matala ee gudaha Mareykanka.

Xaqiiqonews-Wararka Dibadda

Trump waxa uu carrabka ku adkeeyey in bisha Ramadaan ay tahay bil kheyr iyo bisha wax bixinta.

Trump ayaa intii uu khudbeynaayey waxa uu ka soo qeybgalayaasha ku booriyey iscafinta iyo nabadgalyada isagoo ugu hambalyeeyey, waxa uuna afka carabiga ku yiri “Ramadaan Kariim”.

Trump ayaa hadalkiisa ku daray “Qalbiyadeena waxa ay la murugeysanyihiin muslimiintii lagu laayey Newzealand, masixiixiyiintiii iuo yahuuddii lagu dilay weeraradii Sirilanka iyo California.

Trump ayaa caan ku ah hadalladiisa adag ee ka dhanka ah muslimiinta iyo dadka soo galootiga balse dhacdadii afurka ee isniinta la soo dhaafay ayaan la ogeyn waxa ay badaleyso.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada