War iyo DhammaantiisTrump Oo Qoraya Buug Uu Ciwaan Uga Dhigay "Buug...

Trump Oo Qoraya Buug Uu Ciwaan Uga Dhigay “Buug Kaama Dambeeyo”

-

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump ayaa shaaciyey in uu diyaarin ku wado wax uu ku sharxay “buugga buugaagta”(master of books), iyo mashruuc muhiim ah.


XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS

WARKA: qoraal uu faafiyey maalintii jicmaha ayuu warkani ku xusay, isaga oo aan bixinin wax faafaahin oo ku saabsan mashruuca muhiimka ah iyo buugga uu sheegaayo.

DHAMMAADKIISA: Trump waxa uu yiri “madbacado badan ayaan ka diiday bandhig ku aadan in aan buug alifo, sababtoo ah ma rabo in aan waqtigan lugaha dhiiqo la galo”

Trump ayaa intaasi ku daray “laakiin iga war suga, markii xilligeeda la gaaro waxaad arki doontaan “buugga buugaagta”.

Trump oo qoraalkiisa sii wata ayaa yiri “Waqtiga xaadirkan waxa aan faraha kula jira mashruuc waxaas oo dhan ka muhiimsan”.

Sidoo kale Aqri: Daawo..Trump Oo Xoog Ku Galay Xaf;ad Eeyaha Lacag Loogu Aruurinaayey!

Trump ilaa hadda waxa uu ka gaabsadaa qorshaha mustaqbalkiisa siyaasadeed, balse wararka qaar ayaa sheegaya in uu isku sharxi rabo doorashada 2024, ama in uu doonaayo in uu ka qeybgalo doorashooyinka Koongareeska ee 2022.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Trump iyo taageerayaashiisa ay wadaan in la soo cusbooneysiiyo dibadbaxyada, laakiin ma cadda waqtiga iskuga soo baxa ilaa hadda.

Wararka U Dambeeyey

Qadar Oo Ka Niyad Jabsan Sida Mareykanka Uga Aamusanyahay Dalabkeedii Beeca Diyaaraha

Sida ay daabacday majaladda "Wall Street Journal" ee Ameerikaanka ah dowladda yar ee gacan carbeed dhacda Qadar ayaa ka...

Falanqeyn..Icj Waxa Ay Sameysay Xal Mise Xaq

Maxakmadda cadaaladda QM ayaa go'aan ka soo saartay muran badeedka Soomaaliya iyo Kenya, go'aanka Maxkmadda ayaana ahaa mid...

Maxaa Dhici Kara Go’aanka Icj Ka Dib?

Sida balantu tahay go'aanka maxkamadda Icj ee ku saabsan muran Somaaliya iyo Kenya ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta taladaada...

Imaaraatka Oo Iktishaaf Cusub Ku Sameeyey Meeraha Mars

Madax sare oo ka tirsan dowladda Imaaraatka ayaa baraha bulshada ku baahiyey iktishaafaat cusub oo Misbaarka Rajada ee Imaaraatka...

Safiirka Sacuudiga Ee Soomaaliya Waa Soomaali!

Dowladda Sacuudiga ayaa safiirkeeda Soomaaliya u magacaawday Axmed Maxamed Oo ka mid ahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Sacuudiga ku nool. XAQIIQO...

Maxaa Keenay In Waqtigan Radio Muqdisho Af-Taliyaani Lagu Baahiyo?

Markii ugu horeysay muddo sano ka dib, idaacadda dowladda ay leedahay ee Radio Muqdisho ayaa lagu tabin doonaa af-Taliyaani...