Trump Oo Qorsheynaya In Uu Burburiyo NASA sanadka Soo Socda 2020

La Wadaag Asxaabtaada

Hindisaha Trump ee miisaanyidda Mareykanka sanadka 2020 ayaa waxaa ka dhashay dood ka dib markii uu hoos u dhigay lacagihii loogu talagalay Hay’adda Mareykanka U qaabilsan Xiddigiska (NASA).

Xaqiiqonews-Xiddigiska

Majaladda Forbes ee Mareykanka ayaa sheegtay in Trump uu qorsheynaayo in uu burburiyo hay’adda NASA, majaladda ayaana farta ku fiiqday hindisha Trump ee miisaaniyadda 2020 taasi oo hoos u dhigtay lacagigii ku bixi jiray Wakaaladda NASA.

Sida Xaqiiqonews ay soo tarjuntay, majaladdu waxa ay leedahay “Sanadkan weerarka lagu soo qaaday NASA waa kii ugu xumaa, waxaana ay u badantahay in uu guuleysto” iyagoo tilmaamay hindisaha, arintaasi oo  laga cabsiqabo in ay hoos dhigto baarisyadii cilmiga ah ee  hay’adda ay sameyn jirtay.

Tan iyo intii uu maamulka la wareegay Trump waxaa uu soo saaray hindisiyaal iyo go’aano aad loola yaabay, kuwaasi oo abuuray doodo badan.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada