Trump Oo Xoog Ku Galay Goob Lacag Loogu Aruurinaayey Eeyaha!

La Wadaag Asxaabtaada

Madaxweynahii hore ee Mareykanka ayaa ka soo muuqday xaflad taburaacad loogu sameynaayey eeyaha, oo ka dhacday goobta uu ku sugan yahay ee Mar-a-Lago oo ka tirsan gobolka Florida..


XAQIIQO NEWS- MUUQAALO

Sida Xaqiiqonews ay ka soo xigatay “Daily mail”, Trump xafladda waxa uu ka yimid si kadis ah isaga oo laga sii war heynin ayuuna minbarka goray.

Trump oo is adkeynaya ayaana jeediyey khudbad, kama muuqanin wax labis ah isaga oo soo xirtay shaar cad, surwaal madow iyo koofidisii caanka ah aheyd ee gaduudneed.

Sidoo kale Aqri: Markii Trump Laga Qaaday Boorsadii Nukliyeerka..Waa Tee Boorsada Kale Ee Uu Horay U Sii Qaatay?

Trumo oo la hadlaayey ka soo qeybgalayaasha waxa uu yiri “uma soo diyaar garoobin arintan (khudbadda) aniga oo meel halkan u dhaw maraya ayaan maqlay qeylada. Waxa uu sii raaciyey “Khudbad jeedintan waa doonaayey maxaa yeelay waxa aan dareemayaa in tabarucaadda ay tahay shaqo muhiim ah”.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu raaciyey “boqolkiiba boqol garabkiina ayaa taganahay, dhowr mar ayaana kulamo eeyaha lagu caawinaayo ku qabanay aqalka cad”.

Trump markii uu iskaga tagay aqalka 20-kii bishii Janaayo, waxa uu aaday goobaha lagu faakiheysto ee gobolka Florida, ka hor inta uusan dib ugu laabanin gobolkii uu ku dhashay ee Newyor, hase ahaatee markale ayuu dib ugu laabtay Florida oo ah halka uu khubadda ka jeediyey.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada