Trump Qunfac Ayaa Ku Bilowday..Qandhadiisana Kor Ayey U Kacday

-

Wargeyska Vanity Fair oo soo xiganaya mas’uuliyiin sarsare oo Mareykan ah ayaa ku waramaya in Trump uu bilaabay qunfac halka qandhadiisan ay kor u kacday dib markii dhawaan laga helay cudurka Covid-19.


XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA

Siyaasiyiin Jamhuuri ah kuwaasi oo ku dhaw aqalka cad, ayaa wargeyska u sheegay in Trump ay ka soo muuqdeen calaamadaha caanka ah ee Karoona, sida qunfac badan iyo qandho daran.

Mid ka mid ah xogta wargeyska loo soo tabiyey, waxa ku warameysaa walwal laga qaabo cudurka cusub ee Trump in ay kor u kacday gudaha aqalka cad. madaama da’diisu ay tahay 74 sano jir.

Sidoo Kale Aqri..Trump iyo Biden..Mustaqbalka Cabsida Leh ee Mareykanka

Ilaha la soo xiganaya waxaa kale oo ay sheegayaan qorshaha Trump ee ah in isku dayaayo in uu dadka la hadlo si hoos uga dhigo walwalka laga qabo xaaladdiisa caafimaad, gaar ahaan Trump ayaa laga xusuustaa sida uu u fududeysan jiray xanuunkan 6 bilood ee la soo dhaafay.

Xaaska Trump, Milana ayaa laga sheegayaa in aysan wili ka soo muuqan caalamado adag oo xanuunka ah.

Trump ayaa jimcadii la soo dhaafay ku soo qoray Tuwiterka, in isaga iyo xaaskiisa uu ku dhacay Karoona Fayrus, ayna dareemayaan caalamado fudud.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...