Trump..Soomaaliya Ayuu Sidan Ka Sameyn Rabaa Todobaadyada Soo Socda!

-

Iyada oo la hoos geynaayo ciwaanka ah “duqeymaha ka dhan ah argigixisada”, Trump ayaa u tafa xeydanaya duqeyma hor leh oo laga fuliyo Soomaaliya sida lagu daabacay warbaahinta Mareykanka


XAQIIQO NEWS-WARARKA GUDAHA

7-dii bilood ee ugu horeysay 2020 oo kaliya gudahood, maamulka Trump ayaa fuliyey duqeymo ka badan kuwii ay fuliyeen maamuladii Obama iyo Bush oo la isku daray.

Sanadkani oo kaliya Mareykanka ayaa fuliyey 43 duqeyn oo xagga cirka taasi oo ka badan duqeymihii Mareykanka laga soo bilaabo 2007 ilaa 2017 oo lagu sheegay in ay ahaayeen 42 duqeyn oo xagga cirka ah.

Inkastoo ciidanka Mareykanka ku dhawaaqeen xabad joojin intii lagu guda jiray xanuunka Covid-19, balse arintaasi kama dhaqan gelin “geeska Africa”, Waxaana socday duqeymaha.

Bishii Bambooyinka Roobka

Bishii July 2019, waxa aheyd bishii ugu badneyd ee weerarada xagga cirka Mareykanka laga fuliyo Soomaaliya, marka laga soo tago sheekashada Mareykanka ee ah in duqeyntooda ay tahay “biya kama dhbcaan” ayna ku dilaan xubnaha Alshabaab iyo Daacish, dhanka kale waxaa jira dhaawacyo iyo dhimasho soo gaaray dadka rayidka ah.

Sidoo Kale Aqri..Duqeyn mise Dulmi iyo Dambiyo Dagaal?

Ma ahana wax laga shakin karo xitaa, mar walbo oo duqeymaha ay kordhaan waxaa kordha khasaaraha shacabka, waana sidii dhacday isla bishii July 2019.

qaar ka mid ah dadkii ku soo barakacay duqeymaha xagga cirka ee Mareykanka

Marka duqeymaha Mareykanka ay ka dhacaan Soomaaliya, waxaa logu tiriyaa mid ka mid ah musiibooyinka dabiiciga ah, maxaa yeelay ma jirta cid Mareykanka kula xisaabtanta, dadku waa iska soo barakacaan iyaga oo qeyb ka noqdo xeryaha barakacayaasha.

Duqeymo Dheeri ah

Maamulka Trump ayaa qorsheynayaa weeraro badan, Sida ay qoreen warbaahinta Mareykanka, qorshaha cusub ee Trump ayaa ku doodaya in xoojis u noqon doonto DF-Ka Soomaaliya iyo ciidanka Mareykanka kuwaasi oo -sida maamulka sheegay- ku guul darreystay in ay ka adkaan Alshabaab.

Brian Castner oo ka tirsan hay’adda Amnetsy International ayaa muujiyey cabsida ku aadan in duqeymaha sii kordhaya sii dhaawac tiri doonaan shacabka.

“runta waxa ay tahay shacabka ayaa dhimanaya ma jirto qoys magdhaw helay ilaa hadda” ayuu yiri Brian Castner oo sii raacyiyey “macnaheedu waxa waaye 13 sano ka dib Mareykanka waxa uu u sii heelanyahay dagaal ay ku dhimanaayan dadka uu sheeganaayo in uu iyaga difaacaayo”.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...