Turkiga Calmaaniga Ah!

-

Runtii dunida maanta waxa ka dhacaya waa kala duwanaasho la yaab leh, markii Turkiga kaniisad Ay u badaleen masaajid jaamic ah, halka dhulkii xarameynka(sacuudiga) uu magaalada madiina ka dhigaayo masrax lagu soo bandhigo faashiyoonka reer galbeedka.


XAQIIQONEWS-WARARKA DIBADDA

Madaxweynaha Turkiga Erdogan ayaa ku dhawaaqay in macbadkii Aya Suufiya, ee ku yaala Istanbuul laga dhigaayo masjid ay albaabada u furanyihiin kaasi oo ay ku cibaadeysan karaan muwaadiniinta iyo ajaanibta.

Go’aanka cusub eee Erdogan ayaa waxba kama jiraan ka dhigaya go’aan sanadkii 1934-kii ay dowladda Turkiga masjidka Ayaa Suufiya ugu dhigtay matxaf.

Erdogan ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya masjidka Ayaa Suufiya laga kansali doono sawirada iyo farshaxanada si goobtu u noqoto masjidka muslimiinta, isagoo sheegay in salaadda ugu horeysay ee lagu dugan doono ay noqon doonto salaadda jimcaha 24 bishan socoto ee July.

Erdogan ayaa sameynaya isbadalada noocan ah, xilli dalka Turkiga loo arko mid ka mid ah dowldaha Calmaaniga ah, waxaana arinta soo dhaweeyey mas’uuliyiin badan oo Turkish ah oo uu ka mid yahay hogaamiyha xisbiga farxadda Temel Karamollaoğlu isaga oo yiri “go’ankan waxa uu waafaqsanyahay rabitaanka soo jiitaamayey ee umaddeena”.

Sidoo Kale Aqri..Waa Tan xogta Aadan Ogeyn ee Nukliyeerka Turkiga

Sheeko arintaasi ka soo horjeeda, ma rumeysanaysaa in magaalada Makka ay noqotay sida las vegas Mareykanka, waxaa la dumiyey gurigii Abuubakar al Sadiiq laguna badalay hoteelka Hilton, gurigii xaaskii rasuulka SCW Khadiija ayaa laga dhigay musqulo dadweyne

Dhanka kale magaaladii rasuulka SCW, isla markaana aheyd xaruntii ugu horeysay ee dowladda islaamka hadda waxa ay isku sii badaleysaa carwo lagu soo bandhigo faashiyoonka reer Galbeedka.

Caro badan ayaana ka dhalatay markii dowladda Sacuudiga u ogalaatay majaladda Ameerikaanka ee vogue magazine in ay muuqaal faashiyoon ah ku duubato deegaanka Alcalaa ee ka tirsan magaalada Madina.

Sacuudiga ayaa dhagaha ka fureystay mowjado eedeyn oo ka dhiidhinaya in goobihii barakeysnaa lagu qabto shaqooyin aan ku habooneyn akhlaaq ahaan.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...