Dowladda Turkiya oo ah dowlad islaami ah oo furfuran, ayaa waxaa ku dhax yaalla masaajiddo waaweyn, dhinaca kalana waxaa ku yaalla goobo waaweyn oo loo tamaashaad tago.
Xaqiiqonews-Wararka Dibadda
Maxakamadda Dastuuri ah oo Turkish ah ayaa soo saartay go,aan siinaya xorriyad go,aanka qof uu u leeyahay in uu fiirsado waxa uu doono.
go,aankan cusub ee Turkiga qaatay ayaa xayiraadda ka qaadaya website-yada baahiya muuqaalada dhaqamada xun, kuwaasi oo horay mamunuuc uga ahaa Turkiga.
Sida ay baahiyeen Warbaahinta Turkiga waxaa jira website-yo badan oo ay ku jiraan kuwo wararka oo ay mamnuucday dowladda Turkiga.
Waxaa in halkani lagu xuso mudan in dowlado badan oo yurub ay maamnuuceen Websitee-yada Dhaqamada xun qaarkood.