Tuug Guri Xaday oo guriga Dhigay Warqad Seddex Eray Oo Kaliya Ku Qoranyihiin !

Sheekadani cajiibka ah ayaa ku saabsan nin tuug ah, oo markii uu guri ka xaday alaab ka dib ku dhaafay warqad ay ku xardhanyihiin seddex weero, waxaana dhacdadani ay ka dhacday dalka Yemen.

Xaqiiqonews-Warar Dibadda

Tuugani ayaa guriga ka xaday maacuun iyo mashiino koronteed, oo qiimahooda la egyahay 250 oo riyaalka yemen ah, taasi oo u dhiganta 500 oo Doolarka Mareykanka ah.

Mushtaq Al faqiih ayaa sheegay in sabtidii la soo dhaafay  guriga gabar la dhalatay xaaskiisa oo ku yaala magaalada Ticis ee dalka Yemen in uu u dhacay tuug waxaana uu sheegay in tuug markii uu dhameystay shaqadiisa xaditaanka in uu warqad ku dhajiyey Farinjeerka.

Warqadda ayaa waxaa argay xaaska Al faqiih ka dib markii ay aaday guriga walaasheed si ay u soo qaaddo alaab ay dalbatay walaasheed, waxaana warqadda ku qornaa macluumaad ku saabsan tuuga.

Al faqiih ayaa facebook ku faafiyey sawir uu ka soo qaaday warqadda waxaana ku qornaa “Walaahi wax aan baahi aheyn uma xadin, waan idinka raali gelinayaa, waa walaalkiin Cabdu Axmad.”

al faqiih ayaa sheegay in tuuga uusan wada qaadanin alaabtii guriga tiilay, isagoo intaasi ku daray in qoyska guriga daganaa ay ka barakaceen oo kaliya maalmo ka hor iyaga oo ka baxsanaya duqeymaha maleeshiyaatka Xuutiyiinta.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA