TV-ga Kuuriyada Koonfur Oo Dib U Kulansiiyey Hooyo Iyo Gabar Dhimatay!

Muuqaalka ayaa ku bilaabanaya gabar sanadkii 2016 u dhimatay kansarka dhiigga, muuqaalka dhexdiisa gabadha ayaa ka soo baxeysa meel alwaax ah , waxa ayna gabarta u muuqataa sida in ay ciyaareyso dhuumashow.


Xaqiiqonews-Tiknoolaji

Kulan maxabo iyo illin ay ka buuxday ayuu soo bandhigay Tv-ga K.Koonfureed, Tv-ga ayaa kulansiiyey hooyo iyo gabarteeda oo sanado ka hor dhimtay iyadoo la isticmaalaayey tiknoolijiyadda “ismoodsiinta-xaqiiqada’ ee afka qalaad lagu yiraahdo”virtual reality”.

Muuqaalka ayaa ku bilaabanaya gabar ka soo baxaysa alwaax yiilay goob baakin ah,sida iyada oo ciyaareysa ciyaarta dhuumashow, waxa ayna leedahay “hooyo waan kuu xiisay, adna ma ii xiistay?

hooyada oo ilmada ay ka qubaneysa isla markaana la haldeysay gabadha kombiyuutarka ka lagu sameeyey ee lix jirka ah ayaa tiri “waan ku waayey Na-Yeon”.

marka laga hadlo dunida dhabta ah Jang Ji-sung oo ah hooyada, waxa ay hortaagantahay shaashadda cagaaran ee Istuudiyaha, iyadoo oo xiran qalabka “virtual reality” .

Muuqaalkan 00 9 daqiiqo socnaayey ayaa ciwaan looga dhigay “waan kula kulmay”, waxaana yuutuubka laga daawaday in ka badan 13 milyan oo mar.

“Hooyadey waxa ay dhimatay 2 sano ka hor si kadis ah, waxa aan rajeynayaa in aan kula kulmo tiknoolajiyadda “virtual reality” ayuu yiri qof faallo ka dhiibtay muuqaalka.

Jang oo gacmaha ku soo buufsatay magaca gabadheeda dhimatay ayaa barnaamijkan ku tilmaamtay mid waxter leh oo kulansiinaya dadka is jecel ee is waayey.

“tiknoolajiyaddan waxa ay dadka ku xiri doontaa asaxaabtii ay jeclaayeen ee ay waayeen” ayuu warbaahinta u sheegay mid ka mid ah soo saarayaasha barnaamijka.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA