Twitter Oo Wacad ku Martay in ay baahin doono Fariimaha Qarsoodiga ee Donald J.Trump

La Wadaag Asxaabtaada

Dadka ku wada xariira baraha bulshada ayaa baahiyey muuqaal uu ka soo muuqanaayo nin u hadlaya shirkadda twitter oo  sheegay in twitter ay ka qeyb qaadan doonto baaritaanka lagu sameynaayo Donald J. Trump.

Injineerka ka soo muuqday muuqaalka ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in macluumaadka Trump ay la wadaagaan wasaaradda Cadaaladda Mareykanka isagoo yiri “waxaan diyaar u nahay in aan la wadaagno hey’adaha ay quseyso macluumaadka iyo fariimaha qarsoodiga ah ee Donald baahiyey, oo iskugu jiray qaar la tirtiray iyo kuwa hadda hawada ku jira”

Arintan ayaa ku soo aadeysa xilli uu u socdo baaritaano ku saabsan eedo loo heysto Donald Trump oo ku saabsan ku luglahaanshiyaha Ruushka ee doorashadii Mareykanka.

Trump ayaa Twitter-ka ku baahiyey hadalo badan oo muran dhaliyey, kuwaasi oo qaarkood markii danbeed  la tirtiray, hase ahaate hadalka twitter-ka ee ah in ay ka qeyb qaadan doonaan baarista ayaa laga yaabaa in biyaha uu dhoobo ku sii daro.

 

 

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada