KU: FARMAAJO
HADII AAD TAHAY M.FARMAAJO AMA QOF U DHAW FADLAN AQRSI QORAALKAN SI DHAMEYSTIRAN
1 July 1960 waa markii soomaaliya lagu dhawaaqaay in ay midboobeen goboladii waqooyi iyo kuwii koonfureed.
Waana markii Aadan abdulle cimaan aadan cade loo doortay madaxweynaha jamhuuriyadda soomaaliya balse arintaasi ma aheyn sax sababtoo ah maalmulka Madxweyne Cadde ayaa waxaa uu hoostagaayi Taliyaanigii dalka gumeysan jiray sababtoo ah wadamada afrika ee xoriyadda qaatay oo dhan waqtigaasi ayaa arintaasi ka sinnaa waana markii ay caan baxday oraahda ah”BLACK BOY WITH BLUE EYES” oo micnaheedu yahay wiil cad oo indha buluug leh taas oo loogala jeedo in dhamaan madaxadii afrikaanta ee Aadan Cadde ka mid ahaa ay ahaayeen kuwo midib ahaan madow balse ku shaqeynaayya maanka caddaankii gumeysan jiray.
Iyadoo dadka shacbiga lagu marin haabaabinaayo gumeysiga cusub ee is badalay muuqaal ahaan ayaa waxaa jiray dad tiro yar oo fahansaanaa dabinga cusub ee gumeysiga.
Gaar ahaan abwaanada iyo dadka wax garadka ah ee wax curiya ayaa dareenkooda ku soo bandhigay gabayo waxaana la xasuustaa markii ay soo baxeen gabayo lid ku ahaa madaxweyne cadde aqri beyda ka mid ah gabayadii xilikaa caan baxay beydkaasi oo si toos u tilmaamayey madaxdii xilikaa jirtay .
ISMA DOORIN GAALKAN DIRAY IYO DAARTA KII GALAYE
DANBI KUMA HADLAAYEE MA ARAG DOWLADDAAN RABAY
Waxa uu abwaanka leeyahay ma jirto wax farqi ah oo u dhaxeeya Gaalkii aan la dagaalamay ee taliyaaniga iyo madaxweynaha talada qabtay waxaana gabayka abwanka ka muuqda in aysan xilikaasi dadka soomaaliyeed helin dowladii ay rajeynayeen.
Markii ay badatay dhaleeceyntii waxaa is casilay oo xilka iska dhiibay Aadan cade balse Cabdirashiid oo ka danbeeyeyna Wadadiisa ayuu maray isagoo waxba aan ka badalin nidaamkii .
21 OCT 1967 dii waxaa ay dad weynaha soomaaliya ku waabariisteen wax ka duwan dowladihii hore oo ahaa hogaankii dalka waxaa la wareegay Nin lagu magacaabo siyaad Barre oo ka tirsan ciidamadaii dalka horayna tababaro iyo wada shaqeynba la soo qaatay talyaaniga.
Dadweynaha cabsi xoog leh ayaa ku beerantay waxaana laga war sugaayey waxa uu la yimaado SIYAAD barre .
Siyaad Barre oo ahaa askari la soo shaqeeyey taliyaaniga ayaa sida caadiga ah dalka u sii gacan galiyey taliyaani taasi oo markale daaqadda ka bixisay in la arko soomaaliya oo xor ah.
Waxaana uu taliyaaniga siiyey qandaraasyo cusub sida isagoo gacanta u galiyey shirkaddii dhoofinta qudaarta SOMALI BANANA.
Waxaa kale oo taliyaaniga ay gacanta ku dhigeen jaamacaddii umadda soomaaliyeed iyadoo maamulka jaamacadda si toos loo hoos geeyey taliyaaniga.
Marka laga reebo kuliyaddii lafoole ee waxbarashada oo soomaali ay maamuliyeen
Dhanka kale siyaad waxaa uu soo bandhigay qorsho cusub isagoo ogaa guuxa dadweynaha waxa uuna sheegay in qabiilku dhamaaday islamarkaan qabiilka la aasay balse si hoose ayey qabyaaladdu oga dhax socotay xafiisayada dowladda ilaa markii danbo shacbiga wada fahmo oo guux hoose uu bilowda waxaana abwaanada ay bilaabeen in dareenkooda ku cabiraan gabayo iyo heeso .
Tuduc ka mid ah gabayadii xilikaasi lagu dhaliilaayey cadaaladdaradii soomaaliya ka jirtay ayaa ahaa
MAXAA UGU DHAWAAQDEEN CADAALAD AAN LAGA DHABEEYNEYNIN
MAXAAD NOOGU DHALATEEN KUWII HORE MA DHAANTAANE
Abwaanka gabaykan tiriyey ayaa si cad ugu eedeeynaayey dowladii Siyaad in ay been u sheegtay dadweynaha iyadoo sheegtay in qabiilka dhamaaday balse wali uu qabiilka jiro.
Markii uu sii xoogestay kacdoonii shacbiga ayaa waxaa bilowday kacdoono hubeysan kuwaas oo ugu danbeyn ku guuleystay in xakunka la dooro madaxweyne siyaad balse kacdoonadaasi ayaa ku fashilmay in ay isku raacaan dowlad badasho tan siyaad barre.
Wixii ka danbeeyey siyaad barre Ilaa hadda wax ay dadweynaha soomaaliyeed ka dharagsanyihiin in aysan jirin dowladd xoog leh oo xor ah oo dalka soo marta waxeysa tahay su,aasha isweydiinta mudan Farmaajo maxaad kaga fiicantahay madaxweynayaashii hore oo iyaga awoodi waayey in ay dalka xor iskiis u madax banaan ka dhigaan .?
Su,aasha kale ee isweydiinta mudan ayaa ah Somaaliya Maadaama waligeed aysan xoriyad arkin dadka somaaliyeed maxaa xal u ah ma in dalalka darisaka lagu kala darsooma sidan hadii lagu sii socdo mise si ka duwan sidaasi maxaa?!!!
W/QORAY WARIYE CISMAAN AADAN CALI
BACHELOR OF JOURNALISM
F.G Fikradda Maqaalka waa mid gaar ah Qoraaga kana madax banaan xaqiiqonews
Hadii aad heyso Warbixin aad jeceshahay in aad la wadaagto aqristayaasha fadlan noogu soo dir
Xaqiiqonews12@gmail.com