Ugu Dambeyn..Itoobiya Oo Go’aan Adag Ka Qaadatay Somaliland

La Wadaag Asxaabtaada

Dowladaa Itoobiya ayaa cadeysay moqifkeeda ku aadan “gooni isku taaga Somaliland”, Afhayeen u hadlay wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa aqoonsiga Somaliland ku tilmaamay “mid aan waligiis dhaceyn”.


Xaqiiqonews-Wararka Gudaha

Dina Mufti afhayeenka wasaaradda arimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegay in Itoobiya ay ixtiraameyso “madax banaanida Soomaaliya”, isaga oo sii hadlaayo ayuuna yiri “Itoobiya waxa ay xoojineysaa midnimada Soomaaliya”.

Dina ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada in Itoobiya ay noqoto dowladda ugu horeysa ee Somaliland aqoonsato, waxa uuna yiri “ma jirto dowlad ku dhiiraneyso in ay aqoonsato Somaliland.

Sidoo Kale Aqri..Midnimo Mise Kala Tag?..Askari Somaliland Ah Ayaa Ka Jawaabay

Afhayeenka oo ka hadlay wafdiigii Masar ee booqday Somaliland ayaa carabka ku dhaftay in ay ixtiraamayaan madax banaanida Masar iyo Soomaaliya, hase ahaate waxa uu muujiyey walwalkiisa ku aadan xiriir walbo oo wax yeeleyn kara amniga iyo masaalixda Itoobiya.

Maxuu Somaliland uga dhiganyahay Go’aankan Cusub ee Itoobiya?

Marka loo fiiriyo Somaliland, Itoobiya ma ahan wadan caadi ah, waa fikradii ka dambeysay gooni isku taaga Somaliland, arintaana caddeyn badan uma baahna, jabhadii SNM, ee dowladda kacaanka kula dagaalameysay waqooyiga Soomaaliya waxaa maalgelinteeda lahaa Itoobiya.

Maanta hadii Itoobiya ay ka tanaasushay kala qeybinta Soomaaliya, Somaliland ugama dhigna xiriir xumaaday oo kaliya waxa ula mid tahay burburinta Somaliland.

Si kooban Itoobiya shalay iyada ayaa dhistay Somaliland, maantana waxaa muuqda in ay gacmaheeeda ku burburineysa, qofkii aan ogeyn ha ogaado “danuhu wey is badalaan laakiin mab da’u isma badalo”.

FADLAN QEYBTA HOOSE KU DHIIBO ARAGTIDAADA
La Wadaag Asxaabtaada