Unisom, Amisom Iyo Unsom Ka dib .. Maxaa Laga Filayaa Soomaaliya?

-

Df-ka Soomaaliya ayaa dhawaan iska diiday guddiga qiimeynta midwoga Afrika kaasi oo sida la sheegay doonaayey muddo u kordhinta Amisom, maxay dowladda u diiday? Amisom oo waqtigoodu dhammaad yahay ka dib.. muxuu yahay mustaqbalka Soomaaliya?


XAQIIQO NEWS- WARARKA GUDAHA

Guddiga qiimeynta ee midowga Afrika ayaa dalbaday in waqti kordhin loo sameeyo ciidanka Amisom, arintaasi oo ay si cad u qaadacday Df-ka Soomaaliya.

Falanqeeyaasha siyaasadda Soomaaliya qaarkood ayaa aaminsan in dowladda Soomaaliya ay laba sababood u diiday guddigii qiimeynta.

Sababta koowaad: DF-ka Soomaaliya waxa ay Amisom u aragta mashruuc lacag gurasho oo kaliya ah kaasi oo lacag faa’ido ah un ka gurta ku qaraabashada ammaanka Soomaaliyas-sida uu aaminsan yahay falanqeeya Maxamed Cumar oo la hadlay webseetka ruushka laga leeyahay ee Sputniknews.

Maxamed Cumar ayaa sababta labaad ku sheegay Kala shaki soo kala dhax galay hogaanka waqtigan ee DF-ka iyo hogaanka Amisom, gaar ahaan qaabkii ay Amisom ula dhaqantay qalalaasihii muddo kordhinta ka dhashay bishii Maarso ee sanadkan, xilligaasi oo Amisom ay qaadatay go’aan dhex dhexaad ah.

Madax-banaanida Soomaaliya

Maxamed Cali Nuur oo isna lahdlay Sputniknews ayaa aaminsan in sababta ugu badan ee Df-ka u diiday go’aanka guddiga qiimeynta uu ahaa go’aanada guddiga oo soo jeediyey in si buuxda maamulka gacanta loogu gelinaya hogaanka Amisom taasi oo ay Df-ka u aragtay arin meel ka dhac ku ah qabka iyo madax banaanida Soomaaliya.

Maxamed Cali nuur ayaa xusay in qaar ka mid ah wadamada qeybta ah Amisom ee la doonaayo in maamulka gacanta loo geliyo uu muran kala dhaxeeyaa Df-ka.

Ciidanka Amisom ayaa in muddo ah sameynin wax dhaqaaq ah -sida uu qabo Maxamed Cumar, gaar ahaan howlgaladii ugu dambeeyey ee ka dhacay KoonfurGalbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug oo ciidanka dowladda ay fuliyeen.

Ciidanka Amisom ee Soomaaliya yimid sanadkii 2007, ayaa lagu wadaa in dhammaadka sanadka 2021 dalka iskaga baxaan, hase ahaate go’aanadii ugu dambeeyey ee guddiga qiimeynta waxa ay tusaale cad ka bixineysa sida Amisom aysan ugu niyad furneen in shaqadoodu dhammaato.

Maxaa Xigi Kara?

Madaxda DF-ka Soomaaliya ee hadda xilka haaya ayaa doonaya in la xoojiyo kaalinta Turkisom gaar ahaan ciidanka xoogga ee kuliyadaasi ka soo baxaya kuwaasi oo sida ay dowladda ku doodeyso badal u noqon kara ciidanka Amisom.

Mustaqbalka Soomaaliya ayaana u muuqda mid dhaxyaalo inta u dhaxeysa Turkisom iyo Amisom, iyada oo midka la raacayana ay ku xirnaan doonto hadba go’aankii uu raaco Madaxweynaha la filaayo in la doorto.

Wararka U Dambeeyey

Yurub Oo Koronto La’aan Iyo Biyo La’aan Ka Cabaneysa!

XAQIIQO NEWS- WAR IYO DHAMMAANTIIS WARKA: Xilli dagaalka Yukrayn uu afar bil jirsaday, todobaadkan Putin waxaa uu jaray tubadii ugu...

Dameerkii Ugu Cod Qurxan Ayaa Guuleysanaya!

Magaalada San Andeero ee dalka Kolombiya sanad walba waxaa lagu qabtaa tartan cajiib ah oo u gaar ah "dabaaldagga...

Hadii Aad Ku Hurudo Qol Iftiin Leh..Iska Jir Halistan Caafimaad

Albaabada iska xir, daaqadaha soo laab ka hor inta aadan isku tuurin firaashka waa talada ay bixineyso daraasad cusub...

Ikhwaanu Muslimiin Arooskooda Eeyaa La Qalaa

Waxaan ku jirnaa maalmaha "Hilba waradka(ayaamu tashriiq) ee ciida weyn ee muslimiinta, aniga oo niyadda ku haaya fadliga maalmahaas...

Daawo..Mareykanka Dabaaldagii Xoriyadda Oo Toogasho Ka Bilaabatay

Muuqaalka baraha bulshada la soo dhigay waxaa lagu arkayaa dad kala cararaya meel ay ka socotay dabaaldaga maalinta xoriyadda...

Hormuud Oo Webseetyada Turkiga Xanibtay..Waa Tan Sababta

Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bankiyo caalami ah xarun ka furanayaan Soomaaliya, waxaana ugu weyn bankiga...