Washinton ayaa ugu hanjbaty Ruushka in ay ka dhigi doonto dowlad “ga’doon ah” hadii uu Madaxweyne Ruushka go’aansado in uu weerar ku qaado Ukreyn.
XAQIIQO NEWS- WARARKA DIBADDA
Mas’uul ka tirsan aqalka cad oo wariyaasha la hadlay ayaa Ruushka ugu goodiyey in noqon doonto meel ka go’doonsan suuqayada ganacsiga iyo maaliyadda.
Singh oo ah ku xigeenka lataliyaha aqalka cadka ee xagga dhaqaalaha qaranka ayaa wariyaasha u sheegay in Mareykanka diyaar yahay hadii Ruushka uu isku dayo in uu shidaalka u isticmaalo cadaadis ahaan.
Mar sii horeysay,Mareykanka waxa uu ku hajbay in aysan sii shaqeyn doonin dhuumanka shidaalka qaada ee Ruushka iyo Jarmalka isku xira, hadii Ruushka weeraro Ukreyn.
Dhanka kale kooxaha gooni u goosadka Ukreyn kuwaasi oo xiriir la leh Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in ay rasaas ku fureeen ciidanka Ukreyn arintaasi oo madaxweynaha dalkaasi uu ku tilmaamay “daandaansi”, waxaana tan iyo khamiistii socday eedeymo ay labada dhinac (Ukreyn iyo gooni u goosadka) hawada isku marinayeen,
Ruushka ayaa horay u qabsaday qeybo ka mid ah Ukreyn,sida gobolka Kareemiya isaga oo sidoo kale taageray kooxaha kooni u goosadka ah ee Ukreyn kuwaasi ay ka mid yihiin unnuga Soonmaali (Somalia battalion) oo ah koox ka dagaalanta gobolka gooni isku taaga wili aan la aqoonsan ee la baxay Donetsk People’s Republic.
Mareykanka iyo reer Galbeed ayaana ka cabsi qaba in uu Ruushka weerar awood sheegasho ah ku qaado inta harsan ee Ukreyn arintaasi oo reer Galbeedka u arkaan furun kama dambeys ah.